Home Afsomali Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Saldhig ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya

Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Saldhig ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyada bambooyinka gacanta laga tuuro ku qaaday saldhigga booliiska degmada Wardhiigley

Sida aan wararka ku helnay dagaalyahanada Al Shabaab ayaana qaraxyada bambooyinka kaddib rasaas toos ah ku furay saldhigga, waxaana iska caabin sameeyay ciidamo katirsan booliiska oo saldhigaasi ku sugnaa.

Dagaal daqiiqado kooban socday ayaana saldhigga booliisla Wardhiigley ku dhax maray kooxdii weerartay iyo ciidankii booliiska ee halkaasi ku sugnaa, waxaana markii dambe goobta isaga cararay ragii hubeesnaa oon la ogeyn halka ay aadeen.

Dadka deegaanka ayaana isweediinaya sida ay ku dhacday in rag hubeesan weerar toos ah ku qaaday saldhig ciidan oo ku daw xarunta madaxtooyada Soomaaliya ,haddana ragaasi goobta ka baxsadaan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaana maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana magaalada ka dhacayay dilal qorsheesan iyo weeraro ay geesanayaan dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.