Home Afsomali Weerar qarax ku billaawday oo ka dhacayBaardheere ee Gobolka Gedo &...

Weerar qarax ku billaawday oo ka dhacayBaardheere ee Gobolka Gedo & faah faahin laga helayo

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar qarax ku billaawday oo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Xero kutaalla duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa marka hore lagu burburiyay darbiga Xerada, waxana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada ilaalada Xerada iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Saldhigga la weeraray ay ku sugnayeen ciidamo kasoo jeeda deegaanka oo halkaasi lagu tababarayay, si ay uga mid noqdaan ciidamo loo diyaarinaayo la dagaalanka Al-Shabaab, kuwaas oo tababarkooda ay Jubbaland walaac ka muujisay.

Weerarka qaraxa ah iyo dagaalka tooska ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen ilaa 5 ruux oo isugu jira  tababarayaal iyo askar ku sugneyd Saldhiga la weeraray, waxaana magaalada Baardheere wali laga dareemaya xaalad ka dhalatay weerarka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in intii uu dagaalka socday ay ku biireen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo saldhig ku leh agagaarka xerada Al-shabaab weerarka ku qaaday, hayeeshee xaaladda haatan ay tahay mid degan.

Previous articleNin oon dartiisa u dhintay oo Qoyskiisa magdhaw ahaan loo siinayo $14 milyan oo doollar !
Next articleGuddoomiye Aadan Madoobe & Safiirka Talyaaniga oo ka wada hadlay xaala guud ee labada dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.