Home Afsomali Weerar Xildhibaano lagu beegsaday oo ka dhacay baydhabo janaay

Weerar Xildhibaano lagu beegsaday oo ka dhacay baydhabo janaay

3 ruux ayaa ku dhaawacmay weerar ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka ee magaalada.

Guriga Weerarka uu ka dhacay ayaa ku yaala xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo, Waxaana deganaa Xildhibaan Hore Maxamed Khayr Hiiraale oo kamid ahaa baarlamaankii KMG ahaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xubnaha Dhaawacmay ay kala yihiin Xildhibaan Hore Macalin Nuur Xasan Ibraahim, Xildhibaan hore Maxamed Khayr Hiiraale iyo Nabadoon Maxamed Aadan Nuurow.

Labada Xildhibaan ayaa kamid ahaa baarlamaankii KMG ahaa ee xiligii Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxaana maanta lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen oo ku yaala xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo.

Dhaawacyada Xildhibaanada iyo nabadoonka ayaa lagu daweynayaa isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo, waxaana kooxaha weerarka fuliyay ay ka carareen goobta sida saraakiisha ay sheegeen.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda diyaar garowga doorashada Madaxtinimo oo dhaceysa 19-ka bishan December, waxaana amniga magaalada door ka qaadanaya Ciidamo Boolis ah oo dowladda geysay magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.