Home Afsomali Weerarada iyo Qaraxyadii dhacay Doorashadii Xasan Sheikh ka dib

Weerarada iyo Qaraxyadii dhacay Doorashadii Xasan Sheikh ka dib

Weerarada iyo qaraxyada dhacay tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh

Weerarkii shabab ay ku qaadeen deegaanada Ceel Barde iyo Yeed , ee Gobolka Bakool , uguna sii gudbeen gudaha Ethiopia .

Dilkii Wasiirka caddaalada koonfur galbeed oo ka mid ahaa dadka ugu tun weyn la dagaalanka Shabaab .

Gudoomiyihii degmada Marka iyo dadkii la socday oo ayagana Hal goob lagu ku alleystay .

Weerarkii Suuqa weyn ee degmada Afgooye eelagu beegsaday dad fara badan oo waayey cid difaacda .

Weerarkii iyo burburintaa naf iyo maalba ee hotel Xayaat  ahaana kii ugu cuslaaa Afrikada bari  , waxaana ku dhintay in ka badan  80 qof .

Jowhar ayaa ayadana ahayd goobta geerida oo ay ku dhamaadeen dad badan , iyo dhaawacyo aan xisaab lahayn kadib weeraro loo geystay hotello hebel doob ku yaalay .

Maxaas iyo hareeraheeda ayaa lagu gubay ceelal , dad deegaan ahna lagu laayay , taas oo ay ka dhalatay Iska cabin dadka deegaanka ah in ay kala kulmaan .

Dhaca Shacabka lagula kaco iyo tuugada caasimaddu wey  korortay , waxaana jiray kooxo faldambiyeed oo abaabulan sida Ciyaal weero oo dad badan laayey bilihii lasoo dhaafay .

Madaxweyne intaas oo dhacdo ilaa hadda qof loo xiray lama arag , cid loo qabtay ma aragno , masuul xil ku waayey majiro , abaabul iyo diyaar garow ciidan oo aan igu sawir ahayn ma muuqdo , taasna cudurdaar uma heli karno , waxaanse ku dhihi lahaa qof Damjadiid ah iyo mid Daljir ah midna kuma dhiman , ee raggaan ku hordhooban ee marba qaanad isgalinaya si ay xil keliya kaaga helaan , yeysan waqtiga kaa lumin , ee umadda bad – badeeda usoo jeeso iyo qabiillada is abaabulan waa fursad aan ku sugi doonine .

Previous articleMadaxweyne Deni Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Golaha Deegaanka Degmada Eyl
Next articleCiidamada ATMIS oo ku dhowaaqday go’aan culus, kaddib weerarkii Gobolka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.