Home Afsomali Weli shahaado maka qaadatay Xabaal university hadaad maqli jirtay Xasuuq University

Weli shahaado maka qaadatay Xabaal university hadaad maqli jirtay Xasuuq University

Maalin hore waxaan kulannay nin aan muddo kor iska naqaannay oo madaxa Xiriirka Bulshada(PR) ka ah jaamacad Muqdisho ku taalla, oo ku dhowaad 10 sano shaqeyneysa.

Shaqada iyo waxbarashada ayaa ka mid ahaa waxyaabihii aan isbarashada ku wadaagnay, waxaana u sheegay in aan shahaadada koobaad ee jaamacadda ka qaatay cilmiga Kumbiyuutarka, darajada labaadna aan ka qaatay maamulka ganacsiga oo ah takhasus guud oo u furan qof kaste oo Bachelor heysta, maadaama ay dadka takhasusyada kale bartay ay u baahan yihiin aqoon iyo xirfad maamul.

Ninkii wuxuu igula taliyay in maadaama aan maamulka ka heysto shahaadada labaad, aan sidoo kalena ka qaato shahaadada koobaad, wuxuuna intaas ii raaciyay in uu arinkaas ii fududeyn karo oo uu shahaado iiga heli karo jaamacadda uu masuulka ka yahay, aniga oo aan jaamacadda tegin oo aan hal xiso xaadirin, shardiga kaliya ee iiga xiranna uu yahay in aan bixiyo $465 oo ah qarashka xafladda qalinjebinta, la iguna darayo ardayda sanadkaan ka qalin-jebineysa jaamacaddooda.

Wuxuu intaas iigu daray in uu isaguba shahaadada koobaad ka qaatay cilmiga Sheybaarka, balse uu jaamacadda ka qaatay shahaado kale oo Maamulka Dadweynaha(PA) ah oo uusan xiso u xaadirin. Ninkii waxaan u sheegay in aan shahaadadaas ka qaadanayo, lacagtana bixinayo, haddii ay keenaan hab ay aqoontaas iigu shubi karaan, maadaama aan lacag bixinayo, ayna i siinayaan shahaado ka marqaati kaceysa in aan aqoontaas leeyahay. Nin weyn oo wax aqrisan kara, waxna isbari kara ayaad tahay ayuuna jawaab iiga dhigay.

Jaamacado badan oo caalamka ku kala yaalla way ka dhacdaa in aan qofka si wanaagsan wax loo barin, oo aysan tabartooda iyo tayadoodu gaarin heerkii loo baahnaa, waxaana sidoo kale dhici karta in uu qofku suuqa ka sameysto shahaado been-abuur ah, isaga oo aan jaamacad ka qaadan! Waxaanse in muddo ah maqli jiray, caqligeyguna diidi jiray in ay dalka ka jiraan jaamacado ku shaqeeya sharci iyo fasax dowladeed oo qofkii raba inta tago oo lacag bixiyo uu ka dalbanayo shahaadada, takhasuska iyo dhibcaha uu rabo!! Ka dibna uu ka qalinjebiyo jaamacad uusan weligiis dhigan.

Aniga oo jecel in ay xantaasi been noqoto, ayaa dareenkii uu i geliyay ninkii igula taliyay in aan shahaado been-abuur ah ka iibsado wuxuu igu dhaliyay in aan baaritaan sameeyo, waxaana la kulmay qof shahaado shaqo looga xiray, ee shahaado ka qaatay jaamacad uusan aqoonin meesha ay ku taallo!! Ustaad Prof. Maxamuud Axmed Jimcaale oo aan jaamacaddaan uga sheekeeyay wuxuu u bixiyay Xabaal University(XU).

Waa run, oo waa qabri dadka oo nool-nool lagu duugayo, weliba waa xabaal-wadareed ummad dhan lagu aasayo, waayo dadka shahaadooyinkaas wata waxay gelayaan suuqa, waxayna umadda ugu shaqeynayaan aqoon aysan laheyn, balse ay u heestaan shahaado sax ah, oo been-abuur ah!! Sidaas ayuuna bukaanku ugu dhimanayaa gacanta Dhaqtar wata shahaado been-abuur ah, guryuha iyo waddooyinku ku burburayaan gacanta Injineer heysta shahaado bug ah, hantida umadddu ku lumeysaa gacanta Xisaabiye qaatay shahaado been-abuur ah, caddaaladdu ku lumeysaa gacanta Garsoore heesta shahaado bug ah, jahliguna ku faafayaa sababka Macallin wata shahaado been-abuur ah.

Todobaadkii hore, wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre wuxuu magacaabay guddiga ku-meel-gaarka ah ee Tacliinta Sare, oo sida la sheegay ka shaqeyn doona tayeynta Tacliinta Sare ee dalka. Waxaan guddigaas ka rejeynaynaa in uusan maqaar-saar noqan ee uu si dhab ah u guto masuuliyadda qaran ee loo xilsaaray, ayna la yimaadaan hannaan hufan oo lagu tayeynayo laguna kala saarayo boqolaalka jaamacadood ee dalka ku yaalla, ayna meesha ka saaraan jaamacadaha aan u qalmin in ay waxbarasho ka shaqeeyaan ee ka ganacsanaya masiirka ardaydeenna, waxaana,rejeynayaa in la gaaro maalin maamulka jaamacaddaas iyo kuwa la midka ah ay dacwo ku soo oogaan dadkii ay nolosha ku aaseen oo gacmaha ku wada sita shahaadooyinkii been-abuurka ahaa ee ay siiyeen, iyagana lugu duugo xabaashii ay ummadda u qodeen Alle idankii!!

Waxaa qoray: Hussein Sabrie

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.