Home Afsomali Weriye Cabdullahi Kulmiye caddow oo la sii daayay.

Weriye Cabdullahi Kulmiye caddow oo la sii daayay.

Weriye Cabdullahi Kulmiye Caddow oo Muddo u xirnaa Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dib u Helay xuriyadiisa.

Warar Lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Taliyaha Boliiska Gobalka Banaadir saadaq Cumar Xasan uu ka Qeyb qaatay in Weriyaha uu dib u Helo Xuriyadiisa.

idaacadda Kulmiye ayaa shalay Balanqaaday in ay sii day doonto Waraysigii Cabdullaahi Kulmiye caddow uu ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo dhawaan Dowladdu ay xirtay Laakiin dib Loo sii daayay.

Ilo Wareedyo Muhiim ah ayaa xaqeejinaya in Masuuliyiin Dowladda ka tirsan ay Maamulka Radio Kulmiye kala hadleen in Xuriyadiisa dib Loo siin doono Saxafigaan oo Muddo dhan 5 Maalin Ku xirnaa Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.