Home Afsomali Wey geeriyootay waana la aasay xuskii maalinta Warfaafinta ee 21-ka Janaayo!

Wey geeriyootay waana la aasay xuskii maalinta Warfaafinta ee 21-ka Janaayo!

Waa war naxdin leh in ciida lagu daro xuskii 21-ka Janaayo ee ku suntanaa maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed, ma jirto nasiib daro ka xun in la tir-tiro maalin Qaran, la yaab waxaa leh sida xil-kasnimo darada ah ee daaqada looga saaray munaasabadaasi, baabi’inta xuskaan waxay u dhigantaa iyadoo indhaha laga riday bahda ku mataaneysan qeybaha kala duwan ee Warbaahinta, Murugo, Ciil iyo Madax xanuun ayay arintaan ku haysaa Suxufiyiinta oo idil.

Waa run dadku wixii aysan garanaynin inay cadaw ku noqdaan, hubaashii lama wada yaqaano qiimaha ay 21-ka Janaayo u leeedahay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan saaxiibada ay kulmiso mihnada Saxaafadda, taariiq ahaan xuska Warfaafintu waa soo jireen fac weyn, safka hore ayay kaga jirtaa munaasabadaha u gaarka ah Qaranka Soomaaliyeed, waa lama taabtaan sanad walba si xushmad leh loogu dabaal dagi jiray.

Sanadkii 1973-kii ayaa loo asteeyay 12-kii biloodba marka la gaaro 21-ka Janaayo in loo dabaal dego Maalinta Warfaafinta Wadankeena, bilowgii xuskaasi wuxuu ka soo jeedaa dharaartii ugu horeysay ee la soo saaray Wargeyskii 1-aad ee ku qoran Af-Soomaali oo la oran jiray XIDDIGTA OKTOOBER, xilli walba marka ay timaado munaasabadaasi waxaa Dalka ka dhici jiray Fantasyo iyo Xaflado kor loogu qaadayo Ciida dabaal degaasi, kool-koolinta gaarka ah ee loo sameyn jiray xuskaasi ayaa waxay ku heshay doorka shariifka ah ee Warfaafintu ka qaadato horumarinta bulshada.

Diyaar garow aad u balaaran ayaa loo sameyn jirey, barnaamijyo looga hadlayo waxtarka Warafaafinta ayaa si qurux badan loo baahin jiray, suugaan qiiro badan oo lagu cabirayo wanaaga Warbaahinta ayaa shacbiga loogu raaxeyn jiray, Wacanaa Warfaafintu….. Dadweynahaan Hanuuninaa Haasaawinaa…. iyo Suugaan kale oo aan kala dhicin ayaa saqdii dhexe lagu seexan jiray subaxdiina lagu toosi jiray, habeenimda ay bishu tahay 21-ka waxaa Golaha Murtida iyo Madadaalada (The National Theatre) lagu daawan jiray Riwaayad soo koobaysa adeegyada lagu diirsaday ee Warfaafintu u qabato Dadka iyo Dalka, sharafta uu leeyahay xuskaasi dartiis waxaa ka soo qeyb gali jiray oo khudbad dheer ka soo jeedin jiray Xoghayaha Guud ee XHKS ahna Madaxweynaha JDS jaalle Maxamed Siyaad Bare.

Nasiib wanaag xuska 21-ka Janaayo xitaa marna lama baajin xilligii burburka, is xilqaan iyo naf hurnimo ayaa lagu soo waday, Dawladihii KMG ahaa marnaba kama seexan xuskaasi, si xilkasnimo ah ayay 21-ka Janaayo ugu dabaal degi jireen, nasiibdaro Maamulka hadda jira ayaa lugta ku dhuftay qadarintii ay lahayd maalintasi, is moogeysiis ayaa ka muuqda madaxdii laga rabay inay horseed ka noqdaan weyneynta 21-ka Janaayo, lama garanayo in ay ka tahay aqoon daro iyo inay ujeedo kale ka leeyihiin balse sida ay u ek tahay masuuliyiintaasi loogama fadhiyo inay qiimeeyaan maalintaasi.

Xaqiiqdii Wasaaraddu wey gabtay xilkii ka saarnaa 21-ka Janaaayo, qadaraintii uu lahaa xuskaasi waxaa duugay ragga iminka hor- boodaya Warfaafinta gayigeena, Aqoonyahano, Wadaniyin iyo Saxafiyiin badan ayaa la anfariirsan sida loo dayacay xuskii Warfaafinta, ceeb waxaa Warfaafinta ugu filan inay ku guuldareysato ilaainta iyo dhawrida munaasabadii waajibka ay ku ahayd inay hogaamiso, muddo hadda laga joogo 2-sano ka hor ayaa lagu baraarugay marin habaabinta xuskii Warfaafinta kadib markii booskii Warfaafinta lagu badalay maalin la leeyahay waa maalintii Af-Soomaaliga, sanadkaan waa markii 3-aad ee taariiq baabi’intaasi ay socoto.

Waa qaali xuska lagu sheegay maalinta Af-Soomaaliga, munaasabad ahaana waxay leedahay tixgalinteeda balse ma haboona in xus horey u jiray lagu dul baabi’iyo mid cusub, feker ahaan waxgarad badan ayaa horey u tilmaamay haddii la abuurayo maalin loo dabaal dego Af-Soomaaliga inay ku qumanayd in laga dhigo 21-ka Oktoober oo ah maalintii lagu dhawaaqay qorista farta soomaliga sanadkii 1972-kii ama in loo asteeyo maalintii loo baaqoolay Ol-olihii reer Miyiga ee Aqris/Qoris la’aanta.

Inkastoo haatan la iska indha tirayo taariiqdii ay lahayd iyo sida ay ku dhalatay 21-ka Janaayo ayaa haddana dad badan waxay ku kalsoon yihiin in sidaasi aaney ku dhiman doonin munaasabadaasi hase yeeshee Alle idinkiis dib laga soo nooleyn doono, waayo marnaba suura gal ma noqon karto Warfaafintu oo ah awooda 4-aad ee Dawladnimada Soomaaliya inay la’aato maalin u qaas ah oo la xuso.

Waxaa Diyaariyay:–
Shiiqaaloow Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.