Home Afsomali Wiilal Muqdisho ku dhashay oo loo kala bixiyey Farmaajo iyo Kheyre

Wiilal Muqdisho ku dhashay oo loo kala bixiyey Farmaajo iyo Kheyre

Maamo Istar Cabdi Maxamed oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo Muqdisho ku dhashay laba Caruur Mataano ah ayaa waxay ugu magac dartay Farmaajo iyo Khayre oo ah Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha Somalia.

Waxay ka sheekeysay dhibaatadii ay ka martay dhalida caruurtan mataanaha ah waxayna sheegtay inay dhasheen iyagoo aan Bilo dhameysan oo uurka ku jira mudo todobo Bilood ah.

“Waqti Galabnimo ah 5:30 ayay fool i qabatay saacado yar kadibna waan dhalay laakiin waxay dhaqaatiirtu ii sheegeen in ilmahan ay u baahan yihiin in dhalo lagu koriyo waxaana maalintii loogu kireynayaa 50 dollar, aniga ma awoodin balse Nin ay Odaygeyga saaxiibo yihiin ayaa iga bixiyay lacagtii mudo Shan Maalmood ah” ayey tiri Hooyo Istar.

Mar la weydiiyay sababta keentay inay labadeeda wiil ee mataanaha ah ugu magac darto Madaxda dalka ayaa waxa ay sheegtay in odaygeeda ay weydiisay shaqsiga caawiyay waxa uu ahaa, uuna u sheegay inuu dowladda ka tirsan yahay intaas kadibna ay go’aansatay in wiilashada midkood ay u bixiso Xasan oo lagu naaneysayo Kheyre kaasoo ah Magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo Maxamed oo lagu naaneyso Farmaajo oo ah Magaca Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn Hooyo Istar ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed iney adeecaan Madaxda dowladooda.

Taageerada faraha badan shacabku u hayaan  Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha Somalia ayaa sababtay in waalidiin fara badan ay ugu magac daraan caruur ay dhaleen,

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.