Home Afsomali Wiilkii waxbarashada dhexda uga tagay ee hadda ah ninka ugu taajirsan qaaradda...

Wiilkii waxbarashada dhexda uga tagay ee hadda ah ninka ugu taajirsan qaaradda Aasiya

26-kii November 2008, Gautam Adani, oo ahaa ninka 10-aad ee ugu taajirsan Hindiya, isagoo ka cashaynaya maqaayad ku taal hoteelka raaxada ee Mumbai ee Taj Mahal Hotel, wuxuu arkay rag hubeysan oo gudaha u galay, oo rasaas u ridayay dhinac walba, bam-gacmeedna tuurayay.

Toban dagaalyahan oo aad u hubaysan, oo dhamaantood u dhashay Pakistan, ayaa soo gaaray badda fiidnimadaas, waxaanay u kala qaybsameen kooxo, waxay afduubteen baabuur, weerarna ku qaadeen bartilmaameedyo, oo ay ku jiraan laba hoteel oo waaweyn.

Go’doominta magaalada oo socotay 60 saacadood ayaa waxaa ku dhintay 166 qof, waxaana xumaaday xiriirka Hindiya iyo Pakistan.

Mr Adaani ayaa markii dambe u sheegay majaladda India Today in shaqaalaha hoteelka ay si degdeg ah dadkii wax ka cunayey qolka hoose ee guriga muddo dhawr saacadood ah ku xireen, ka dibna ay u u gudbeen hool ku yaala dabaqa sare xataa iyada oo uu dhiigu ku daadnayay banaanka.

Waxaa hoolka soo galay 100 qof oo marti ah – “qaar waxay ku dhuumanayeen sariiro hoostooda, qaarna meelo qarsoodi ayay galeen” – si u duceeyeystaan.

Kadib markii uu habeenkaas waaga ugu barayay gudaha hoolka, ayaa Mr Adaani iyo raggii kale laga saaray albaabka danbe ee laga soo galo, ka dib markii ay ciidamada Kumaandooska ahi galeen hotelka subaxii dambe.

Qiyaastii 14 sano ka dib habeenkaas, Mr Adani, oo 60 jir ah, waa ninka saddexaad ee adduunka ugu taajirsan – waxa ka horreeya Elon Musk iyo Jeff Bezos.

Waxa uu maamulaa shirkad ballaadhan oo oo dhanka tamarta dekadaha ah oo ay hoostagaan toddobo shirkadood oo ganacis ah, 23,000 oo shaqaale iyo hanti ka badan $230 bilyan oo doolar.

Waxa uu todobaadkan ku jiray wararka warbaahinta sababta oo ah waxa uu ku dhaw yahay in uu la wareego NDTV, oo ah shabakada wararka ee India loogu ixtiraam badan yahay, taas oo noqoneyso ganacsigiisii ​​ugu horreeyay ee dhanka warbaahinta ah.

Ka dib markii uu iskuulka dhexda kaga tagay isaga oo 16 jir ah, Mr Cadaani waxa uu u guuray Mumbai si uu u tijaabiyo ganacsi, waxa uu bilaabay ka ganacssiga dheemanka hase yeeshee ganacsigan horay uma sii socon oo muddo laba sannadood ka dib wuxuu ku laabtay Gujarat, gobolka uu ka soo jeedo, si uu u maamulo warshad baakadaha sameysa oo uu maamulayay walaalkii.

Previous articleMadasha Ganacsiga Mareykanka iyo Afrika ee 2022 (USABF)
Next articleMadaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo soo hadal qaaday Somalia maxaa laga filan karaa ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.