Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha kenya ee Shanta sano ee soo socota uu ku guuleystay Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ,iyada oo natiijada galabta dhan la wada sugaayay.
William Ruto ayaa loolan adag la galay musharaxa Raila Odinga sida ay sheegeen guddiga doorashada Kenya oo shir jaraa’id qabtay.
Qaar kamid ah madaxda dallalka Afrika ayaa durba bilaabay inay u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka kenya William Ruto.