Home Afsomali Wixii laga yiri munaasibad julmisay golaha abwaanada somaliland

Wixii laga yiri munaasibad julmisay golaha abwaanada somaliland

 

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Golaha Abwaanada Somaliland

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ku magac dheer (Aadan Baradho) ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay Golaha Abwaanada Somaliland oo ah gole ay ku midoobeen dhamaan Abwaanada Waa-weyn eereer Somaliland .

Madasha ayaa waxa ugu horeyn hadalo kooban kasoo-jeediyey Xaaji Aadan Axmed Diiriye, isagoo isla markaasina Golaha uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee ay munaasibadan ugu soo ajiibeen, Sidoo Kale Xaaji Aadan Axmed Diiriye waxa uu Golaha Abwaanada uga mahadnaqay kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan wacyigalinta iyo isku soo dhawaynta bulshada , isagoo isla markaasina ku dhiirigaliyey inay halkaas kasii wadaan dadaalada qiimaha leh iyo kaalintaas muhiimka ah eeay qaranka ugu jiraan.

Dhinaca kale Xaaji Aadan Axmed Diiriye ayaa Golaha Abwaanada waxa uu ku booriyey inay sii laban-laabaan wacyi-galinta Bulshada ee Qabyaalada oo uu tilmaamay in Qaran-nimadii iyo wada-jirkii bulshada Somalilandwakhti xaadirkan aya halis ugu jirto in waxyeelo aad u weyni kasoo gaadho Qabyaalada.

Dhinaca kale waxa iyagu kalmado mahad-naqa kasoo jeediyey xubno kamida Golaha Abwaanada Somaliland oo ay kamid ahaayeen, Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Xaaji Xasan ( Xasan Ganey), Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), Saxafi Maxamed Xasan Cali Waji, iyagoo dhamaantood si wada jira uga mahad-celiyey hadhimo-sharafeedkan uu xaajigu ku maamuusay Golaha , iyagoo isla markaasina ka marag kacay doorkii muhiimka ahaa ee Xaaji Aadan Axmed Diiriye kasoo qaatay Halgankii hubays-naa, Nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka iyo sidoo kale ad-kaynta qaranimada iyo wada-jirka Ummadda Somaliland

Previous articleAbii ayaa ogoleysiiyey in Muuse Biixi yahay Madaxweyne Maamul goboyd ka mid ah dhul weynaha Somalia
Next articleFGS Welcomes Close Cooperation with Somaliland Administration

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.