Home Afsomali Xaaji Xasan Shiino oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya...

Xaaji Xasan Shiino oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Kooxo hubeysnaa ayaa saaka Xaafada Macalin Nuur oo katirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir waxaa ay kudileen Nin Oday ah kana mid ahaa dadka kunool Xaafadaas.

Ninka Odayga ah ee la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xaaji Xasan Shiino, waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in xilliga la dilayay uu kayimid Masaajid u dhowaa Gurigiisa, isaga oo Salaad Subax kusoo dukaday.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilkaas iyo sababta loo dilay, waxaana dad yaqaanay ay Risaala u sheegeen in Ninka Odayga ah ee la dilay ee Xaaji Xasan Shiino uu kamid ahaa Dalaaleyda Dhulka.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ehelkiisa ayaa tegay goobta dilka ka dhacay, iyaga oo kasoo qaaday meydkiisa, waxaana dilkaan aad uga naxay dadka deriska la ah Odayga la dilay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maalin walba si joogta ah uga dhaca dilalka loo geeysanayo dadka Shacabka ah iyo kuwa dowladda u Shaqeeya, waxaana dilalka inta badan geysta Al-Shabaab iyo Kooxo Burcad ah oo dhac geeysanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.