Asalamu Aleykum waxaan doonayaa in halkan aan ugusoo gudbiyo shacabka Soomaaliyeed xaaladda caafimaad ee uu ku suganyahay dhibane Mire Casir
Jimcaale
Bilihii June iyo July,2017 ayaan baraha bulshada iyo Website-yada ku faafiyay sawirrada Nin oday ah oo xanuun daran hayo waxaana dadweynaha
ugu baaqay in ay gacan siiyaan Ninkaas Odayga ah ee aan heysan xigto xigaal ugurmada.
Nasiib wanaag dad farabadan oo iimaan iyo naxariis damqasho kujirto ayaa farriintaas kasoo jawaabay waxayna usoo direen lacago Boqolaal
dollar ah, lacagta isoo gaartay oo $1010 (Kun iyo Boqol Dollar) aheyd ayaa laysku dayay in lagu baxnaaniyo xaaladda caafimaad ee Dhibane
Mire Casir Jimcaale.
Ugu Horrayn Bukaanka waxaa lagu guuleystay in laga qaado degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud loona wareejiyo dhanka magaalada
caasimadda ah ee Muqdisho waxaana looga kireeyay guri halkaas kadibna waxaa la geeyay labada isbitaal ee ugu weyn magaalada Muqdisho uguna
tayada wanaagsan oo ay gacanta ku hayaan dhaqaatiir Ajaanib ah.
Isbitaallada Erdogaan Ex.Digfeer iyo isbitaalka Carabta, dhammaan baaritaannadii ay dhaqaatiirtu ku sameeyeen Bukaan Mire Casir waxay
natiijadu noqotay in aan gudaha dalka wax looga qaban karin, dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaalka Digfeer oo Turki ah waxay ku
taliyeen in si degdeg ah dibadda loogu qaado.
Sidoo kale dhaqaatiirta isbitaalka Carabta ee Muqdisho ayaa isla taladii kuwa Turkida bixiyay, waxay dhaheen waxaa jaban lafaha garka
oo ah goobta buradu kutaal waxaana lagama maarmaan ah in lafahaas lagu kabo lafa kale oo lagasoo jarayo qeyb kale oo jirkiisa ah, howshaasna
ma qaban karaan isbitaallada Soomaaliya kuyaal xataa kuwa qaaradda Afrika.
Dhibane Mire hadda waxaa lagu hayaa Muqdisho halkaas oo daawooyin kaalmaati ah iyo quudin loogu sameynayaa, lacagtii Kunka iyo boqolka
dollar ah aheyd intii ugasoo hartay baaritaanadii iyo tasiilaadkiisi ayuu isticmaalayaan mana heli karo qarash intaas ka badan oo isbitaal
dibada ah loogu qaadi karo.
Sidaas oo ay tahay waxaan xiriir la sameynay shirkado iyo dad ganacsata ah oo aan uban dhigay dhibaatada heysata Ninkan odayga ah
walina lagama helin kaalintii laga rabay.
Waxaa Xusid Mudan in dhaqaatiirta Turkida ee isbitaalka Digfeer ay ballan qaadeen in ay bixin doonaan warqad fududeynaysa daweynta
bukaanka marka lageeyo dalka India.
Haddaba shacabka Soomaaliyeed ee jooga dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa waxaan ugu baaqayaa in Ninkan odayga ah xaaladdiisa caafimaad Ay gacan
ka geystaan, waa Nin odey ah oo aan haysan hanti uu isku daweeyo islamarkaana aan laheyn ehel jeeb buuran leh oo xaaladdiisa wax ka
qaban kara.
Halkan ka dhageyso Dhibane Mire Casir oo isagoo hadalku dhibayo baaq udiray walaalihiisa muslimiinta
Wixii kaalma ah waxaad kusoo Hagaajin kartaan Kala xiriir:Samafale Ridwaan Xassan oo laga heli karo Taleefanka
+252615333251 EVC+Xawaalad
Haddii aad gudaha joogtaan waa sidan 0615333251 ama Emailka ridwaanf12@gmail.com.
sidoo kale waxaa wixii kharash ah lagusoo hagaajin karaa
Account Number: 31198295 Salam Somali Bank oo laga helo Ibraahim Cawaale
Sawirro Cusub oo Muujinaya xaaladda Caafimaad ee Dhibane Mire
Hoos Ka Daawo Sawirrro Cusub oo Dhibane Mire Casir lagasoo qaaday,