Home Afsomali Xaaladda Caafimaad ee madaxweynihii hore ee Mareykanka oo laga deyrinayo

Xaaladda Caafimaad ee madaxweynihii hore ee Mareykanka oo laga deyrinayo

Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ah 98-jir ah ayaa laga walaacsan yahay kadib markii laga saaray isbitaalka, isla markaana lagu celiyay gurigiisa, halkaas oo uu ku helayo daryeel caafimaad “waqtigiisa harsan”, sida ay Sabtidii sheegtay xarunta samafalka ee uu aas-aasay ee the Carter Center.

Carter, oo ahaa madaxweynaha Mareykanka intii u dhexeysay 1977-1981 ayaa ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweneyaashii hore ee nool, wuxuuna mar ku guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Wuxuu deggan yahay Plains, ee gobolka Georgia, isaga iyo xaaskiisa, Rosalynn. Tuuladaas oo ah meeshii uu ku dhashay, oo uu ka ahaa beerrey lows tacbada, kahor inta aanu noqon guddoomiyaha gobolka Georgia, isaga oo markii dambe halkaas ka billaabay ololihiisa musharaxnimada madaxweynaha ee xisbigaDimuqraadiga.

“Kadib dhowr jeer oo si kooban isbitaalka loo dhigay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, maanta wuxuu go’aansaday inuu waqtigiisa u haray guriga kula qaato qoyskiisa oo uu helo daryeel caafimaad halkii uu ka heli lahaa dabiib caafimaad oo dheeri ah,” ayay Xarunta Carter ku tiri hadal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Sannadihii lasoo dhaafay, Carter, waxa uu helayay daaweyn isbitaal oo kala duwan, oo ay ku jiraan markii uu shaaca ka qaaday bishii Agoosto 2015 in uu qabo kansarka maskaxda oo uu sheegay in laga daaweynayo.

Intii uu madaxweynaha ahaa, Carter, waxa uu sameeyay ballanqaad ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada. Labadii sano ee hore ee xukunkiisa wuxuu ahaa mid loo riyaaqay, waxaana waxqabadkiisii ka mid aheyd dhexdhexaadinta heshiis nabadeed oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Masar oo loogu magac daray Heshiiskii Camp David.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.