Home Afsomali Xabsiyada dalka hindiya oo laga sii daynayo maxaabiis soomaaliyeed oo dhameystay min...

Xabsiyada dalka hindiya oo laga sii daynayo maxaabiis soomaaliyeed oo dhameystay min lix dano oo xabsi ah

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in Bisha soo socota ee February ay siideyneyso 75; Qof oo ku haray Xabsiyada Hindiya,kuwaas oo ahaa Dhallinyaro dhameysatay Xabsiyada xukunka Burcad Badeednimada ah ee lagu eedeeyay.

Saraakiisha Cabsiga Koofur Mombai ayaa sheegay in aysan xamili karin tiro badan oo Maxaabiis xabsigooda dhameystay ah,waxaana ay sheegeen in xabsiyadooda oo ahaa 6 sano iyo bar ay intoooda badan dhameysteen.

Vishwajeet Singh; oo ah qareenka matalaya Maxaabiista ayaa sheegay in dhallinyaradan ay xabsigooda dhameysteen, 15 ka mid ahna la siideynayo 15ka February halka 60 ka kale la sii deynayo 23ka February.

Dhallinyaradan oo ahaa 120 Qof ayaa lagu ka mid ah ku dhinteen Xabsiga waxaana 118 ka kale horu loogu soo celiyay dalka halka kuwo kalena inta ka dhiman Xabsigooda oo bil ka yar ay dalka dib ugu soo laaban doonaan.

Qareenka Maxaabiistan ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya ay diyaariso fiisaha ay dalkooda kula laabanayaan,islamarkaana marka la gaaro 23ka February ay dhamaan ku olaaban doonaan Soomaaliya.

Dowladda Hindiya ayaa horay u sheegtay in ay ku guuleysatay in Maxaabiistan ay ka soo deyso dalka Hindiya,hayeeshee Maxkamada iyo Warbaahinta Hindiya ayaa sheegaya in ay dhameysteen waqtiga xabsigooda oo ahaa 6 Sano iyo bar ilaa 7 Sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.