Home Afsomali Xafiisyada Dowlada oo shaqaalihii loo fasaxay laba maalmood Munaasibada Weyneynta xuska dhalashada...

Xafiisyada Dowlada oo shaqaalihii loo fasaxay laba maalmood Munaasibada Weyneynta xuska dhalashada Nabi maxamed N.N.K.h

 

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Maanta  oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegantahay  12-ka Mowliid ay shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cadde Mukhtaar, ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay  in munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH) darteed loo fasaxay shaqaalaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada nabageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.

Wuxuu u ku boorriyay shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.