Home Afsomali Xafiisyada Shaqo Bixinta ee dowlada oo lagu weydiin doono qabiilkaaga iyo qabiil...

Xafiisyada Shaqo Bixinta ee dowlada oo lagu weydiin doono qabiilkaaga iyo qabiil aad ka sii tahay Yaab ka Aqriso Muwaadin

Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Xaquuqul Insaanka Dowladda federaalka Soomaaliya oo boggeeda Internet-ka ku soo xayeysiisay jagooyin ka bannaan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquul Insaanka ayaa sharuudaha qofka shaqa doonka ee soo codsanaya jagooyinkaas ku dartay qabiilkiisa iyo jufadiisa hoose .

Foomka ay soo saartay Wasaraadda Haweenka ee looga baahan yahay inuu buuxiyo muwaadin walba oo soo codsanaya ilaa 19 jagooyin oo bannaan  ayaa dad badan oo Soomaaliyeed oo daneynaya shaqooyinkaasi  islamarkaana soo kaamilay sharuudaha caadiga, ayaa la fajacay markii  foomka sharuudaha lagu soo daray inay qasab tahay in aad soo sheegto qabiilka iyo jufada hoose sida aad ka arki karto website wasaaradda Haweenka ee foomka la soo dhigay. www.mwhrd.gov.so/foomka-arjiga/

Dad badan oo damacsanaa in ay jagooyinkaasi dalbadaan ayaa dib uga laabtay damacooda, kadib markii ay ku kalsoonaan waayeen nidaamka shaqo maadama ay ku xiran tahay in muwaadinka shaqada ku guuleysanayo qabiilka iyo jufo hoosaadka uu ka dhashay.

Tani ayaa noqoneeysa markii ugu horreeysay ee dowladda Soomaaliyeed si rasmi ah sharuud uga dhigto in muwaadin shaqo ka doonaya dowladda  uu codsigiisa ku soo daro qabiilka iyo jufo hoosaadka uu ka dhashay.

Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 dii meel-mariyey sharciga Guddiga Madaxa Bannaan, iyadoo shaqooyinka Guddiga ay ka mid tahay Xukumida shaqsiyaadka geysta  gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqul Aadanaha Soomaaliya  iyo sidoo kale difaacida, daba-galka, tixgelinta iyo  horumarinta xaquuqul aadana Soomaaliya.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.