Home Afsomali Xaflad dhalasho oo ka socotay magaalada Dadeville oo Dhimasho iyo Murugo isku...

Xaflad dhalasho oo ka socotay magaalada Dadeville oo Dhimasho iyo Murugo isku bedeshay

Xaflad dhalasho oo ka socotay magaalo yar oo lagu magacaabo Dadeville oo katirsan gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa mar qura isku bedeshay murugo iyo goob uu dhiig badan dureero.

Qof hubeesan oon wali la shaacin magaciisa ayaa rasaas ku furay goobtii ay xaflada ka socotay, waxaana mar qura goobgtaasi ka dhacday kala carar , waxaana toogashada ka dhashay khasaaro badan.

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku dhimatay toogashada ka dhacday goobta xaflada dhalasho ka socotay, halka ay ku dhaawacmeen 28-qof oo kale oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus.

Dadka goobta lagu dilay ayaa waxaa kamid ahaa ciyaaryahan la dhashay gabadha xaflada dhalashada dhiganeysay, DG-gii xaflada iyo dad kale, waxaana booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano ku aadan toogashadan.

Booliiska ayaa sheegay in ay uruurinayaan xogta toogashadan, waxa ayna ka codsadeen dadkii goobta ku sugnaa in booliiska la wadaagaan xogta ku aadan dhacdada dadka badan lagu dilay laguna dhaawacay.

Dalka Mareykanka waxaa kusoo badanaya toogashada ka dhacaya goobaha dadweynaha isug yimaadaan, dowladda Mareykanka ayaana wali xal u la’ toogashada dalkaasi qeybo kamid ah kusii kordheysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.