Xoreentii dalkeena
Xagjir lagu eryaayay
Xayiraadii hubka iyo
Deyntii la xooray
Xagaagii dhoweeyto
Xajiin nimey ku beertoo
Dalkiisii ku xaasiday
Xaflad uu abaabulay
Ma xaadiri laheydeen ?
Xukuumada danqaran iyo
Xamsa ruux dafirayoo
Xaq maaha yiriyoo
Anigaa xilkaas rabey
Xasan shiiq xumeeyoo
Xiriir dowladnimo jaray
Xabashidana hoos galay
Xaflad uu abaabulay
Ma xaadiri laheydeen ?