Xaflada xil wareejinta gudoomiyihii hore ee dagmada dayniile iyo gudoomiyaha cusub ee dagmada dayniile Cabdishakuur abuukar macalin gudoomiyihii hore ee dagmada dayniile iyo gudoomiyaha cusub cumar maxamuud mahadale ayaa ka dhacday xarunta maamulka dagmada dayniile ee gobolka banaadir.
Ka dib wareegto xilka ka qaadis iyo magacaabid ah oo ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka banaadir Isla markaana ah duqa magaalada Muqdisho yuusuf xusen jimcaalle madaale .
Munaasibad xilwareejinta ayaa waxaa ka soo qeybgalay xildhibaano odoyaasha dhaqanka saraakiil masuuliyiin heerbqaran iyo heer dagmo barbaarta gaashaaman xubno ka socday maamulka gobolka banaadir…….. dadweyne ka kala socday xaafadaha dagmadu ka kooban tahay
gudoomiyeyaasha xilka isku wareejinayey iyo Marti sharaf kale
Xoghaayaha dagmada qaalid cabdulaahi warsame .
Cabdulaahi Axmed Maxamed cashara oo bahda dhaqanka ayaa soo shaweeyey is bedelka lagu sameeyey maamulka dagmada markii 8 sideedaad isgoo amaanay waxqabadkiisii xiligii uu xilka haayey.
Buraanbur lagu muujinayey heer waxqabad ee maamulka xilka wareejinayey ayey soo jeediyeen Deeqo Abuukar iyo Bishaaro Maxamed cumar .
Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur Dhagweyne ayaa uga mahadceliyey wax qabadkiisii wuxuuna soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub oo uu kula darmaarmay in uu u cadaalada falo bulshada reer dayniile hogaamin wanaagsane u hor seedo
Xildhibaan dayax oo ka mid ahaa xildhibaandii madasha ka hadashay ayaa gudoomiha xilka kandagay amaan ku sagootiyey isagoo u duceeyey wuxuuna si dhab ah ula hadlay gudoomiyaha cusub
Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali Jacfar ayaa isagane dhankiisa madasha ka hadlay ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey horumarka dagmada ay gaartay isaga ka dib wuxuuna gudoomiyaha cusub kul dardaarmay in uu yeesho dulqaad iyo foojignaan dheeri ah
Agaasimaha xiriirka dagmooyinka ee maamulka gobolka banaadir Muqtaar Maxamed axmed ayaa mid mid ula hadlay maamulka isbedelka lagu sameeyey isagoo ugu baaqay in uu isku haayo bulshada dagmada gudoomiyihii horanen amaan ku sagootiyey .
Gudoomiye rooble ayaa bulshada dayniile igu baaqay in ay la shaqeeyaan wuxuuna soo dhaweeyey gudoomiye Cumar Maxamuud Mahadalle waxayna sinwada jir ah u kala saxiixdeen isku wareejinta xilka guud ahaan dagmada isagoo halkaa kanjeediyey qudbadiisii ugu horeysay wuxuuna balan qaaday in uu howsha horumarinka dagmada iyo bulshadeed uu halkaa ka sii wadi doonno
Gudoomiye ciise guure ayaa munaasibada xilwareejinta soo xirey wuxuuna xusay in uu toban sano ka hor munaasibadaan mid ah uu xil wareejin ku sameeyey