
in mudo ah ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii istanbuul lagu qabtay wiilkaan xili uu sitay nus malyuun doolar ka mareykanka ah uu kala baxay garoonka Muqdisho waxaana cadeyn halka ayu martay iyo sida uu ku helay
baaritaan culus oo ay sameysay dowlada turkiga ayey ku ogaatay in wiilkaani uusan shaqeyn isla markaana uusan shaqeyn karin lacag cadaan la eg waxaana la isla dhaxmarayaa in lacagtaan uu kala baxay qasnada dowlada maadaama aabihii uu wasiir ka yahay
Qoraalkii horayaa ayaa sidaan u qornaa ———Wiil uu dhalay wasiirka Maaliyadda JFS Cabdiraxman Beyle ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha CAALAMIGA ah ee magaalada Istanbul.
Wiilkan ayaa ka yimid magaalada Muqdisho, waxaana Boorso uu watay laga helay Lacag dhan $500 kun oo dollar oo Cash ah.
Wareysi dheer oo lala yeeshay kaddib ayaa Wiilkan uu dhalay Wasiir Beyle uu sheegay in Lacagta isaga uu leeyahay una yimid dalka Turkiga in uu iibsado Warshad.
Booliska Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul oo la xiriiray Safaaradda Soomaaliya ee Ankara ayaa wax Jawaab ka bixinin Wiilka iyo Lacagta tirade badan ee Cash-ka ah ee lagu qabtay.
Waxaa weli socda baaritaanno, waxaana Wiilka uu dhalay Wasiir Beyla hadda lagu hayaa Xabsi ku yaal Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii labaad oo aay dhacdo in Wiilkan uu dhalay Wasiir Beyle uu la baxsado Lacag aay leedahay dowladda Soomaaliya, sanadkii 2014 mar uu Wasiir Beyle ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa isla Wiilkaan waxaa uu Bankiga dhexe kala baxay Lacag dhan $200 kun oo doollar, taasoo Wasiirka sheegay in aanu ogeyn sababta uu ula baxay markii lagu qabtay Airport-ka Muqdisho.