Home Afsomali Xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa arrimaha doorashada golaha deegaanka

Xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa arrimaha doorashada golaha deegaanka

Isimada iyo nabadoonada gobolka Nugaal ayaa xal ka gaaray khilaaf ka taagnaa  doorashada golayaasha deegaaanka Puntland, khilaafkaas oo dhaliyay dhimasho iyo qalalqal ku yimid amnigii Garowe.

Kulan ka dhacay hoyga Islaam Ciise Islaam Maxamed, ayaa lagu go’aamiyay in siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Garowe ay magaalada ka saaraan maleyshiyaadka lagu carqaladaynayo doorashada iyo amniga magaalada.

Dhaqanku waxay sheegeen in doorashadu si nabad ah u dhacdo. Doorashada kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha  ee 2024.

Dhammaan dhinacyada isku hayay arrintaan ayaa ku qancay go’aanka Isimada iyo waxgaradka, waxaana qorshuhu yahay in maanta degaanada gobolka Nugaal loo daabulo sanaadiiq doorashada dowladaha hoose ee gobolka Nugaal.

Xafiiska xeer ilaalinta Puntland ayaa sidoo kale la laabtay dacwad soo xiritaan ah oo ka dhan ahayd afar siyaasi oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen rabshadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha Garowe.

Maalin kadib, Puntland ayaa looga dareeridoonaa doorashada dowladaha hoose ee 37 degmo, taasoo oo noqon doonta dhacdo taariikhi oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, tan iyo burburkii kaddib.

Illaa todobo urur siyaasadeed ayaa doorashooyinkan ku tartamidoona, kuwaas oo soo sharraxay xildhibaanadooda heer degaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.