Home Afsomali Xal laga gaaray Xajka iyo wararkii ugu danbeeyey

Xal laga gaaray Xajka iyo wararkii ugu danbeeyey

 

Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Golaha Shacabka
Guddiga Garsoorka, Awqaafta &
Arrimaha Diinta
Judiciary, Relegiuos Sites and Religion
Affairs Committee

Ref: GGAA/0023/07/02/18 Tr.02/07/2018
Ku: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS =Muqdisho=
Ujeeddo: Warbixin ku saabsan arrimaha Xajka sannadka 1439/2018.

Guddoomiye, waxaa sharaf ii ah in aan kuu soo gudbiyo dhammaan xogta aan ka hetay Dalka Sacuudi Araabjya ee la xiriira arrimaha Xajka , muddadii gaabnayd oo aan halkaas ku sugnaa gudasha Cumrada awgeed, aniga & Xildhibaanada hoos ku xusan.
Sida aad xog-ogaal u tahay Mudane Guddoomiye, Xajka ayaa ah Rukunka 5-aad ee Tiirka Islaamka , wuxuuna ku waajibaaya qof kasta oo Muslim ah, qaan gaar ah, lehna awood dhaqaale & caafimaad oo u suurtagelin kara gudashadiisa.
Laga soo bilaabo bur-burkii Dawtadda Dhexe ee Soomaaliya ilaa sannadkii 2017 arrimaha Xajka waxaa Maamulaayay Shirkadaha Duulimaadka ee Daalo & Jubba, kaalinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxay ku koobnayd 00 keliya in ay Shirkadahaas u saxiixdo tirada xujayda la qaadaayo iyo hab-maamuuska guud ee xajka.
Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta, waxay Xukuumadda Soomaaliya dib ugu soo celisay dhammaan Maamulka arrimaha Xajka, waxayna heshiis Sanadlaha ah ee MAXDARKA 1439/2018 la saxiixatay Wasaaradda Xajka ee Dawladda Sacuudiga, halkii sanadihii hore lagu qori jiray Shirkadaha Daalo iyo Jubba oo ay fulin jireen hawshii ay Wasaaraddu lahayd.
Mudane Guddoomiye, waxaa si dhab ah u ogaanay in ay jiraan arrimo caqabado ku ah in ay si habsami ah u fusho hawlaha ku aadan Xajka, qarkana u saaran in sannadkan ay soomaalidu fursad u waayaan gudashada waajibaadka Diiniga ah, haddii Xukuumaddu tallaabo deg deg la imaanin, maadaama waqtigii loo diyaargaroobaayo oo gabaabsi ah, hawshii Xajka ahna aan weli la bilaabin, waxaana sabab u ah arrimaha soo socda :
1. Wasaaraddu waxay adeegga Xajka u qaybisay Shirkadaha kala ah:
Daalo, Jubba, Freedom, African & Ocian, iyadoo aan isxilqaamin jn ay ogaato nidaamka , xeerarka iyo hab-maamulka u degsan Dawladda
Sacuudiga ee la xiriira arrimaha Xajka si ay u xaqiijiso haddii shirkadahaas ay u dhan yihiin shuruudaha sharci ahaan looga baahan yahay;
2. Waxaa soo shaacbaxay in Shirkadaha kala ah Freedom, African & Ocian daabuli Karin Xujeeyda, sababto ah fasax iyo oggolaasho ka haysanin
Havadaha Xajka u qaabilsan, gaar ahaan Hay’adda Duulista ee Dawladda
Sacuudiga, isla markaana kuma jiraan Dayuuradaha u kala goosha Soomaaliya yo Sacuudiga;
3. Seddaxdaas Shirkadood, looma oggola in ay kiraystaan Diyaarado ay xujeeyda TRANSIT ku gaarsiyaan Sacuudiga, maxaa wacay nidaamka xajka wuxuu dhigaaya in Xaajiga laga soo qaado Degaankiisa si toos ahna lagu dejiyo garoonka khaaska u ah ee Xujeeyda loogu tala galay, Waddan 3-aad Transit ahaan lama soo marsin karo;
4. Shirkadaha Soomaaliyeed ilaa hadda laga aqoonsan yahay Dawladda Sacuudiga ah waa Daalo & Jubba. Sharciga u degsan Wasaaradda Duuliska ee Sacuudiga wuxuu qeexaaya haddii labadaas shirkadood ay ka tan badato xujeeyda , waxaa daabulaysa Diyaaradaha Sacuudiga, waana loo oggolyahay Daalo & Jubba codsiga kaddib in ay kiraystaan Diyarado kale ee ka diiwaan-gashan Sacuudiga kuna daabulaan rukunkooda;
5. Waxaa khasab ah in Shirkadaha ku hawlan arrimaha xajka in ay xisaab ama Koonto uga furan tahay mid ka mid ah Bangiyada Sacuudiga. Hawlaha xajka oo dhan waxay ku habaysan tahay System Elektarooniga, wax alla wixii ku
saabsan kharajka xajka automatically Systemka ayaa shaqeeya. Shirkadaha Daalo iyo Jubba lacag kayd ah ayay ku leeyihiin Bangiyada ka furan
Sacuudiga, laakin Shirkadaha African, Freedom iyo Ocian Bangiyada
Sacuudiga xisaab ugama furan, sidaas darteed, ma fulin karaan arrimaha ku aadan xajka.
Waxaa xusid mudan in la gaaray waqtigii la daabuli lahaa xujeeyda, safarka (trip) uga horeeya ee xujeeyda Soomaaliya, waxaa Jadwalka Xajka ku qoran taariikh 17/07/2018. ilaa maantanna wax nooma diyaarsan, haddii safarkaas laga baaqado, waxaa shaki ku jirin in uu jaha-wareer ku dhici doono safarada dambe ee xujeeyda, amaba gebi ahaan jadwalka laga saaro xujeeyda Soomaaliya.
Mudane Guddomiye, mar haddii Hay’adaha Xajka qaabilsan ee Sacuudiga ay caddeeyeen in Shirkadaha African, Freedom iyo Ocian ay ka maqan yihjin shuruudihii nidaam ahaan iyo xeer ahaanba u degsan maamulidda arrimaha xajka, waddo kale ee Shirkadahaas u furan ama saamixi karaan in ay qaadaan xujeeyda aysan muuqanin , Wasaaradda Awqaafta ivo Arrimaha Diinta waa inay si dhaqso leh go’aan uga gaarto arrimaha cakiran ee xajka ku saabsan ee na soo foodsaartay, aragti kala duuwanaanta iyo khilaafka ka aloosan Hawl-wadeenada Wasaaradda dhexdooda , meel la iska dhigo ee si xilkasnimo, waddaninnimo ku dheehan tahay ka wada shaqqeeyaan taabbagalinta hawlaha xajka, iyagoo uga faa’idaysanaaya mudda yar ee Wasaaradda loo kordhiyay in ay ku soo dhamaystirto wixii hawl ah ee ka harsan xajka.
Mudane Guddoomiye, inkastoo Guddigeena dhawr jeer la kulmay Wasiir Kuxigeenka iyo Wasiir Dawlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, su’aalo dhawr ah ka weydiyay arrimaha xajka ee sannadkan, gaar ahaan habka ay u mareen xulashada shanta shirkadood ee u adeegga xajka, laakinse warbixintooda nama qancinin haba yaraatee.
Wasaaraddu waxay hareer-martay qaanuunka iyo hab-raaca u degsan *Tartan*
(competition), xulashadaasna waxay ku salaysan tahay *Eex, Qaraabokiil iyo Musuq-maasuqba*, bacdamaa la qabanin tartan furan ee ku aadan adeegga xujeeyda Soomaaliyeed.
Si kasta arrintu ha ahaatee , waxaan soo jeedinaynaa in la fasaxo Shirkadaha Duulimaadka Daalo iyo Jubba oo tan iyo burburkii 1991 maamulaayeen hawlaha xajka, wax dhibaato haba yaraatee aan lagala kulmin, adeegoodana la mahadiyay, Hay’adaha u qaabilsan xajka ee Sacuudiga aad u amaaneen, shahaadooyin sharaf ah ee ku qotoma *hawl-karnimo iyo adeegga wanaagsan ay u qabteen xujeeyda dhawr jeer ka guddoomeen Hay’adahaas .
Maadaama lagu guda jiro hawlaha xajka, isla markaana Shirkadihii kale khadka ka baxeen sharci la’aan awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in Wasaaraddu ay u fasaxdo Shirkadaha Daalo iyoJubba isticmaalka akoontadooda si ay fursan u helaan dhaqaajinta hawlaha xajka oo aan weli la bilaabin
Inkastoo ay weli jiraan cabashooyin ku aadan qiimaha looga xajiyo oo aad u badan, Shirkadahana oggolayn in ay qiimaha wax ka dhimaan, haddana qofka soomaliga ah waxaa lagu yaqaana oo can ku noqday, mar haddii uu niyeysto in uu xajiyo lacag ma qiimeeyo, wuxuu hamigiisu noqonaaya keliya in uu lugtiisu gaaro Dhulka barakaysan ee Makka Al Mukarama, sidaas darteed, qiimo kasta ha laga qaado, waa in 100 fududeeya safarkooda, shirkadahana ka helaan adeeg ka sareeya kii sannadkii hore 100 diyaariye xujeeyda.
Mudane Guddoomiye,
Ummadda Soomaaliyeed, taariikh ahaan waxay ku amaanan tahay gudashada waajibaadka xajka 00 heer ay ka gaartay in ay u lugeeyaan ilaa Makka, haddaba waa in a an isku kuna dedaainaa in aan ummaadeena khayrka jecei aan la s eej inin sann adkan gudashada waajibaadka xajka, Wasaaradda Awqaafta iyo Arr imaha Diintana xoog saarto si waqtiga 100 qabtay ku xalliso caqabadaha tiortaagan» iyadoo la q a ddarinaayo in aysan Ummaddeena ka baqanin gudashada Rukunka 5-aad ee Islaamka.

Maad aama arrinta xaj ka ee sannadkan xasaasi tahay, xambaarsan arrimaha diinta, haddii XUkuumadda ay ka halläawo maamulkeeda, waxaa ka faa’id aysanaaya qolada muca arid ku ah Xukuumadda oo dacaayado rakhiis ka fidin doona, sidaas awgeed, waa in aan si wadajir qaraar ku gaarno si looga hortego in aysan baaqanin safarada xujeeyda.
Fiiro Gaar:
Warbixintan waxaa ila wadaaga Xildhibaanada hoos ku xusan oo dhammaantood ka tirsan Guddiga Garsoorka, Awqaafta & Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka JFS
1. Xil Ali Yusuf Osman (Ali Geney)
2. Xil. Ahmad Hagi Mahamed (Taaw)
3. Xil. Jama Mahamed Askar
4. Xil. Hassan Osman Hussen
Wa Billaahi Tawfiiq

 

 

,

 

.

.

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.