Xaqiiqda dhabta ah siday wax uga dhaceen hoteel Xayaat
Sida aan ka soo xigan sargaal sare oo ka tursanaa Ciidanka Amniga kana mid ahaa kuwii ugu horeeyey ee hoolgalka ka bilaabay hoteelka ayaa noo sheegay sidaan
Weerarka ayaa u dhacay sidaa koow nin ku xiran Qaraxyo ayaa isku qarxiyey Afka hore ee laga galo hoteelka sidaana waxaa dhacay in ay soo galaan Gudaha hoteelka rag hubeysan oo garaayo 6 kuwaas oo isku kala qeybiyey dhowr waxaana mar kale Gaari ku qarxay laamiga weyn kaa oo loogu tala galay laamaha amniga markay yimadaan uu qarxo nasiib daro laamaha amniga sooma gaarin goobta qaraxyada ka dhaceen taana waxay keentay in Gaariga uu Qarxo
Xaalka markuu halkaa marayo waxaa dhowr saac ka dib goobta soo gaaray ciidamo isugu jiro Haramcad iyo Nabad sugid gudaha kuwaa oo gudaha u galay hoteelka dhowr qofna soo bad baadshqy markay halkaa mareyso ayaa mid ka mid ah Kooxahii weerarka soo qaaday iska dhigay kuwa la bad baadinaayo isagoo qarax ku xiran waxuuna ku qaraxay Rasamshiga hore ee hoteelka gudahiisa halkaana isku qarxiyey waxaan ku dhawacmay Taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiil kale.
Dagaalkan wadnay buu yiri Sargaalka waxaan qabsanay inta badan Hoteelka waxaan gaarnay Dabaqa Sedaxaad howshana gab gabay ku dhaweyd saacaduna waxay aheyd 10 30 habeenimo Ama Far saac iyo Bar habeenimo qofba sidoow u yaqaano markee halkaa Maree Taliyaha Nabad Sugida Mahad Salaad ayaa nagu amray in aan ka soo baxno Dagaalka laguna wareejiyo ciidamada Gaashan waana ka soo baxnay waxaan goobta la wareegay Ciidamadii cusbaa uu Mahad Salaad soo amray
Waxay Dagaalka wadeen ilaa 2 Duhurnimo , markii danbe waxaa la soo wacay haramcadii horay Dagaalka u waday ee laga bixiyey markii hore goobta waxayna qirteen gaashaan in ay awidin in ay howshaan soo afjaraan sidaan haramcad kusoo afjarto dagaalka.
https://youtu.be/EEjC348Tgeg