Home Afsomali Xarumo kuyaala Muqdisho oo Dib u dhis lagu sameeyay Xarigana laga jaray

Xarumo kuyaala Muqdisho oo Dib u dhis lagu sameeyay Xarigana laga jaray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Xarunta Dad-Dhigista Dowladda Hoose oo ku taala Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho.

Xarumahaan ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ku sameeyay dib-u-dhis Balaaran, si loogu adeego Bulshada ku dhaqan Caasimada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii loo dhisi lahaa xarumaha danta guud ee adeegyada kala gedisan loogu qabto Shacabka, iyadoona horey dib-u-dhis iyo balaarin lagu sameeyay xarumo dhowr ah oo loogu adeego Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.