Home Afsomali Xarunta Ahlu Suna oo siyaabo kala duwan u weerareen Ciidamada bolice ka...

Xarunta Ahlu Suna oo siyaabo kala duwan u weerareen Ciidamada bolice ka iyo milatariga

masuuliyiin ka tirsan Ahlusuunna oo warbaahinta  la hadlay ayaa  sheegay in laba jeer ay ciidamada dowladda weerareen xarunta Inji ee magaalada Dhuusamareeb oo ay deggan yihiin hoggaanka Ahlusuunna, labada weerar ayaa waxay dhaceen markii uu RW Kheyre gaaray magaaladaas maqribkii caawa.

Weerarka hore ayaa waxaa qaaday ciidamada Haramcad oo ka tirsan booliska halka kan labaadna ay qaadeen ciidamada NISA, ilaalada hoggaanka Ahlusunna ayaa iska caabiyay labada weerar waxaana jira dhaawacyo soo gaaray askarta labada dhinac.

Xarunta Inji waxaa deggan Macalin Maxamuud oo maanta dib ugu laabta Dhuusamareeb oo uu maalmahaa safar dibedda ah uga maqnaa iyo madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.