Home Afsomali Xarunta Maamulka G/Banaadir ee dowlada hoose oo Dowladda Soomaaliya ka qaaday Ciidamadii...

Xarunta Maamulka G/Banaadir ee dowlada hoose oo Dowladda Soomaaliya ka qaaday Ciidamadii ay dul dhiogtay

Ku dhawaad mudo 24 Saacadood ah kadib waxa Xayiraada laga qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir,halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta.

Arrintaan ayaa timid kadib markii xilka laga qaaday gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed,taas oo ka dhalatay xiisad Siyaasadeed.

Mudo 24 Saacadood ah ayaa waxaa istaagay Shaqadii Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir,waxana albaabda isugu dhufnaay dhammaan Xafiisyada Maamulka oo an wax Shaqo ah ka socon.

Ciidamadii ka tirsanaa kuwa xasilinta ee xaqiijinayay ammaanka Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa Galabta baneeyay,waxana ku wareegay Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Booliska soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa timid kadib markii xalay Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Maamulka Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed uu aqbalay xilka qaadistii lagu sameeyay,islamarkaana sheegay in xayiraada laga qaado Xarunta maamulka uuna diyaar u yahay in uu xilka wareejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.