Home Afsomali Xaruntii gurmadka qaraxyadii Soobe ee Gobolka Banaadir oo Albaabada loo laabay

Xaruntii gurmadka qaraxyadii Soobe ee Gobolka Banaadir oo Albaabada loo laabay

Waxaa Maanta gebi ahaanba albaabada oo laabay Xaruntii Gurmadka deg dega ee Gobolka Banaadir ee loogu talo galay in loogu gurmado dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii 29-kii Bishii hore ka dhacay Soobe ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Shaqada & Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxiin Ciise Cadow oo kamid ah ayaa sheegay in ay tageen, iyaga oo ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta  Xarunta gurmadka deg dega ah ee Gobolka, balse ay arkeen, iyada oo Ciidamo u xiran tahay.

“ Saaka waxaan taaganahay anaga oo ah  shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Xaruntii gurmadka ee Gobolka oo albaababada u xiran yihiin sababatana ma nqaano.

Ciidanka ayaa waxay leeyihiin amar Ayaan qabnaa mana la furaayo.

Waxaana wadnaa gurmad aan ugu Tala galnay masaakiinta qarixii ku waxyeeloobay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin sababta loo xiray Xarunta gurmadka deg dega ah ee Gobolka Banaadir, iyada oo Ciidamo farabadan ay banaanka Xarunta joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.