Home Afsomali Xasan Cali khaye ayaa suuqa Bakaaraha kula kulmay ciidanka boliska

Xasan Cali khaye ayaa suuqa Bakaaraha kula kulmay ciidanka boliska

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali khayre ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir si uu ugu kuur galo amniga caasimadda , isagoo waqtina la qaatay shacabkii halkaasi uu kula kumay xiligaas.

Goobaha ay isku yimadaan bulshada muqdisho ayuu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaaliya kula kulmay qeybo ka mid ah shacabka kuwaa oo uu waydiinayey talooyinka iyo tabashoyinka ay qabaan ee ay doonayaan in ay dowladdu wax kala qabato, isagoo si cadi ah uga jawaabayey su’aalihii ay wadiinayen qaar Kamid ah dadkaasi.

 Xasan Cali khaye ayaa suuqa Bakaaraha kula kulmay ciidanka boliska oo ku jiray xiligaas howlgallo ay ku xaqiijinayeen amaanka Caasimadda, waxa uuna ku boogaadiyey kulana dar daarmay in ay laban laabaan  wajibaadkooda ku aadan ilaalinta nafta iyo maalka Muwaadinka.

Kormeerkan xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya saacadaha Badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo Amniga Caasimadda,isagoo horay sidan oo kale dhoor Mar Kormeeray qaar Kamid ah Degmooyinka Gobolka Bamaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.