Home Afsomali Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray dalka Switzerland (...

Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray dalka Switzerland ( DAAWQO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray dalka Switzerland , halkaasi oo uu ka qeyb galaayo Shirka Dhaqaallaha Adduunka.

Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi iyo sidoo kale Soomaalida kunool dalkaasi.

“Aniga iyo wefti ballaaran oo aan hoggaaminayo ayaa gaarnay Dalka Switzerland si aan uga qeyb galno shirka Madasha dhaqaalaha adduunka oo si rasmi ah naloogu soo casuumay” ayuu yiri Kheyre.

 Waxaa uu intaasi kusii daray hadalkiisa “Koboca Dhaqaalaha Dalka waa ahmiyadda u horreysa ee xukuumaddayda, si dhaqaalaha dalku kor loogu qaadana waa Inaan xiriir wanaagsan oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan la sameynaa adduunyada”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.