Home Afsomali Xasan Cali Kheyre oo indha indheeyey howlaha ka socda dakada iyo wasaarada...

Xasan Cali Kheyre oo indha indheeyey howlaha ka socda dakada iyo wasaarada maaliyada

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyada iyo dekadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta wasaasaradda maaliyadda kulan kula yeeshay wasiiru dawlaha wasaarada ahna ku-simaha wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim, oo uga warbixiyay horumarradii ugu dambeeyay ee laga gaaray dakhli aruurinta iyo dardar-gelinta hawlaha dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo sidoo kale booqday qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho ayaa kulamo la qaatay maamulka sare ee dekadda iyo taliska booliiska oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka joogtada ah iyo daah-furnaanta.

Previous articleMadaxweyne cusub oo xildhibaanada Galmudug cadaado ku doorteen
Next articleVIDEO Muuse Biixi cabdi Xildiid oo u digay Xisbiyada qaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.