Home Afsomali Xasan Cali Kheyre oo Kormeer Howleyd ku tagaya Magaalada Biyuhu hareereeyeen...

Xasan Cali Kheyre oo Kormeer Howleyd ku tagaya Magaalada Biyuhu hareereeyeen ee Baladweyne iyo Muxuu Raaci doonaa

R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sii jeeda magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo fatahaad ay go’doomisay.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay magaalada Beledweyne ku tagaan diyaarad Helikobar ah, taasoo ay ugu wacan tahay in garoonka magaalada Beledweyne ay biyo fadhiyaan oo in muddo ah aanu shaqeyneynin.

Kormeerka R/wasaaraha ayaa ku saabsan sidii uu indhihiisa ugu soo arki lahaa xaaladda magaalda Beledweyne oo inta badan dadkii ku noolaa ay ka barakaceen, iyadoo xaalad culus ay ku heysato daafaha magaalada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u saartay gurmadka dadka ku waxyeeloobay fatahaadda webiga Shabelle ka geystay gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.