Home Afsomali Xasan Muudey ”Puntland yeeysan laxumaan federaalkii ay aadka ula dhacsaneyd…”

Xasan Muudey ”Puntland yeeysan laxumaan federaalkii ay aadka ula dhacsaneyd…”

Siyaasiga Xasan Cabdulqaadir Muudeey ayaa si kulul uga hadlay hadallo kasoo yeeray golaha baarlamaanka maamulka Puntland oo aheyd in aysan marna aqbali doonin sida loo ansixiyay matalaadda Muqdisho ku yeelanayso golaha aqalka sare.

Xasan Muudeey ayaa ku daabacay bartiisa facbooka, jawaabta uu kula hadlayay hadalkii xildhibaannada maamulka Puntland, waxana uu yiri : –

“Waxaan aad uga xumahay erayada xanafta leh ee kasoo yeeray qaar kamida golaha baarlamaanka Puntland ay leedahay kuna saabsanaa sida ay noogu xaqiijiyeen xaqiraadda matalaadda ay heleen shacabka kasoo jeeda gobalka Banaadir.

Waxaa soo idlaaday beentii aheyd waxaan ogolnahay in Muqdisho matalaad iyo maqaam yeelato,waxaana horay u ogeyn dhowr jeer oo hore ay usuura gashay Puntland in ay fashiliso xal uhulidda xuquuqda dadka Muqdisho.

Waxaan shacabka Puntland ee Soomaaliyeed lawadaagayaa in ay faham kaqaadtaan bara bagaandada ay usoo jeedinayaan shakhsiyaadka raba in ay kala fogeeyaan shacabka walaalaha ah.

Horay ayaan warbaahinta u mariyay in maamulka Puntland uu cadeeyo shakiga ay kaqabaan in Muqdisho ay hesho matalaad iyo maqaam iyaga ugaar ah.

Dalku waa federaal waana muhiim in sida ay uga go’antahay federaaliisamka Puntland aysan la xumaan hannaanka uu usocdo loona meel mariyay matalaadda dadka Muqdisho.

Dekadda Boosaaso marka ay shacabka banaadir wax kasoo gaarto oo ay xaq u yeeshaan in degmo kamida gobollada Puntland jago xileed ka qabtaan ayeey xaq u leeyihiin in Puntland udooddo wax kasta in lawada leeyahay.

Wey dhamaatay maalintii dastuurkaa labedelay, lajabiyay, aad dhihi jirteen, waxaa lajoogaa waqtigii cadaaladda iyo meel marinta dhameystirka federaaliisamka.

Mahadsanidiin !
Hassan Abdulkhader Mudey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.