Home Afsomali Muuqaalka Xasan Sheekh oo guulo ka sheegtay Mudadii uu xilka haayey

Muuqaalka Xasan Sheekh oo guulo ka sheegtay Mudadii uu xilka haayey

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in mideynta dadaallada heer Qaran iyo heer caalaami ee la xiriira gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada ay suurta geliyeen in dowladda Soomaaliyeed ay xilli adag maareyso caqabadaha amni iyo nololeed, haatanna qorshuhu uu yahay sidii dalka dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda dadaalka ay bixiyeen muddadii ay magacownaayeen, isagoo ka rajeeyey in ay sii laba-laabaan howl-gudashadooda, si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed adeegyada ay mudan yihiin.

“Madashan waa ay sii socon doontaa, waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, si bulshada soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo”.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay caqabadaha iyo fursadaha dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyey hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, lana dhameystiro deyn cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo ay ugu horreyso in la gaaro isku filnaan dhaqaale iyo nololeed oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah.

“Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo.Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa wadadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda soo diyaarinta iyo gudbinta shuruucdii ugu badnayd ee Xukuumad ay ku soo gudbiso 100-kii maalmood ee ugu horreysey, shuruucdaas oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.