Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga sifeynayo nabad-diidka Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.
Degmada Aadan Yabaal waxaa ku sugan inta badan ciidankii kasoo baxay deegaanno iyo degmooyin kuyaalla Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud, madaxweynaha ayaana u kuurgali doona xaalada ciidankan una diyaarin doona in mar kale duullaan qaadaan.
https://youtu.be/ghtlsVaIFa0
https://youtu.be/q8iUOW73928
https://youtu.be/c-u7ocZzxCQ
https://youtu.be/ghtlsVaIFa0
https://youtu.be/HWQG7IzJbMw