Home Afsomali Xasan Sheikh Maxamuud oo Muqdisho Macsalaameeyey (DAAWO SAWIRADA )

Xasan Sheikh Maxamuud oo Muqdisho Macsalaameeyey (DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa ayaa maanta waxa ay ka ambabaxeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Qoyskiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Xasan Sheekh.

Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ayaa warbaahinta sheegay Diyaarad qaas ah in Xasan Sheekh iyo Qoyskiisa ay ka qaaday Garoonka Aadan Cadde, iyaga oo uu kii sii jeeda Dalka Turkiga oo ay degan yihiin Qoyskiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weligiisa ahaan doona Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho uu ku soo laabto mudo kooban kadib marka uu nasiino ku soo qaato Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa 16-kii Febraayo ee sanadkan si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee 8-dii Febraayo lagu doortay magaalada Muqdisho, Doorasho taariiqi aheyd.
Madaxweynayaashii xilalka banneeyay ayaa dhammaantooda degaan ka dhigtay dalal dibadda ah, iyadoo aanu jirin Madaxweyne ku negaaday dalkiisa kadib markii uu xilka wareejiyay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.