Home Afsomali Xasan Sheikh Oo Kulan Muhiim Ah Maanta La Yeelanaya Madaxweynaha Imaaraatka

Xasan Sheikh Oo Kulan Muhiim Ah Maanta La Yeelanaya Madaxweynaha Imaaraatka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan Dalka Imraadka Carabta ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha Dalkaasi Sheikh Maxamed Bin Yasiid Al-nahyaan.

Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaaray Magaalada Dubai ee xarunta isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa si weyn loo soo dhaweeyay.waxaana soodhaweyntooda ka qaatay Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dalkaasi.

Waxaana la filayaa in manta uu kulamo kala duwan la yeesho Madaxweynaha Imraatka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa horay martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid, waxaana inta dalkaasi uu ku sugan yahay uu kulamadiisa diiradda ku saaari doonaa, sidii dib loogu soo celin lahaa Xiriirka laabda dal ee Soomaaliya iyo Imaaraatka carabta.

Sidoo kale Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ayaa wadahadalkoda diiradda si gaar ah ugu saari doona sidii loo xoojin lahaa iskaashi miro-dhala, oo ah dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Safarka Xasan Sheikh Madaxwweynaha Soomaaliya ayaa noqonaya Safarkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu baxo, tan iyo markii dib loo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.