Home Afsomali Xasan Sheikh oo si rasmi ah Xilka ugala wareegay Madaxweyne Farmaajo

Xasan Sheikh oo si rasmi ah Xilka ugala wareegay Madaxweyne Farmaajo

Mohamed Abdullahi Farmaajo ” Madaxweyne Hassan Sheikh; 5 kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya, waxa aan dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn Doorashada Dalka

Mohamed Abdullahi Farmaajo “Madaxweyne Hassan Sheikh; 5 kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya, waxa aan dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn Doorashada Dalka

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka sida uga dhakhsiyaha badan dalka dib loogu soo celin lahaa.

Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay sidii ciidankaasi ay qeyb uga noqon lahaayeen ciidanka Qaranka ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh”

Xafladda xil wareejinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo isagoo ka hadlaya waxaa sheegey inuu Madaxweynaha la doortey ku wareejiyey ciidamo 5000 ah oo ku maqan dalka Eritrea.

Farmajo aya sheegey inuu keeni waayey ciidankaan sababtoo ah Xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirtay awgeed.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka uga wareejiyay kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub wuxuu madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay.

Madaxweynaha xafiiska baneeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha cusub uga warbixiyay howlihii uu gacanta ku hayay ee u baahan in la dhameystiro kuwaas oo ay kamid yihiin deynta cafinta iyo dib u dhiska ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.