Home Afsomali Xasan Sheikh oo u dhoofay Ethiopia dalka iyo dadkana Diyaarad dusheeda uga...

Xasan Sheikh oo u dhoofay Ethiopia dalka iyo dadkana Diyaarad dusheeda uga gacan haatiyey

Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan cadde  waxaana ay ku sii jeedaan Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka  Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda iyo xubno kale sida wararka aan ku helnay.

Madaxweyne Xasan ayaa ka qeyb gali doona shirka Madaxda IGAD oo ka dhici doona Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb gali doona Madaxda Dowladaha ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, waxaana looga hadlayaa arrimo la xiriira Dalalka ku mideysan ururkan.

Soomaaliya ayaa lagu qabtay shirka IGAD 13-kii Bishii September ee sanadkan Shirkaasi ayaana ahaa kii  28-aad oo ay yeeshaan Madaxda urur Goboleedka IGAD,

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.