Home Afsomali Xasuusin faaiidooyinka Soonka maalinta Cashuuraa

Xasuusin faaiidooyinka Soonka maalinta Cashuuraa

XASUUSIN CAASHUURAA
Soonka Maalinta Caashuura (Maalinta 10aad ee Bisha Muxaram) oo ku aadan Arbacada 18/08/2021 waxaa lagu dhaafaa danbiga sanadkii tagay sida laga wariyay Nabi Muxumed ﷺ.

عن أبي قتادة رضي الله عنه، أنّ النّبي – صلّى الله عليه وسلّم – قال: (صيام يوم عاشوراء، أحتسب على اللَّه أن يكفر السّنة التي قبله) أخرجه مسلم،

Sidoo kale waxaa fiican in lagu daro Soonka maalinta 9aad oo ku aadan Talaadada 17/08/2021

TAARIIKHDA SOONKA MAALINTA CAASHUURAA:
====================================
Sida ku Cad Axaadiista Bukhaari iyo Muslim Soonka Muxaram waxaa uu bilaawday markii ay Muslimiinta Magaalada Madiiinah usoo Hijroodeen ka dib, markii Nabiga Nabad iyo Naxariis korkiisa Alaha yeelee uu arkay Yuhuudii Madiinah oo Sooman ayuu weydiiyay Sababta ay Maalinkaas u Soomayaan? Waxa ayna ku yiraahdeen: Waa maalin wanaagsan oo ilaahay ka badbaadiyey Nabi Muuse iyo Banuu Israa’iil Codowgoodii Fircoon Nabi Muusana wuu soomay. Markaas ayuu Nabigu ku yiri: Aniga ayaa idinkaga xaqbadan Nabi Muuse, markaas ayuu soomay dadkiina amray inay soomaan”.

SUNNADA IN LA ISLA SOOMO MAALINTA SAGAALAAD IYO MAALINTA TOBNAAD EE BISHAAN.

Waxaa laga wariyey C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha ka raali noqdee [markii uu sooomay Nabigu scw maalinta tobnaad oo uu amray soonkeeda- waxay yiraahdee saxaabadu rasuulkii ilaahay waa maalin ay waynayso yahuud iyo nasaaroba-waxuu yiri Nabigu scw [hadii lagaaro sanadka soo socda insha alaah waxaan soomi doonaa maalinta sagaalaad]
C/laahi Ibnu cabaas waxuu yiri sanadkii Nabigu scw magaarin oo ilaahay baa oofsaday.
Waxaa kaloo wanaagsan in lasoomo maalin kahor ama kadib maalinta tobnaad sida uu wariyey imaamu Axmed waxuu yiri Nabigu scw[sooma maalin kahor ama maalin kadib]arintaas oo lagu khilaafayo cadowga ilaahay ee yahuud iyo nasaaro.Waxuu yiri Imaamu Shaafici iyo asxaabtiisii, Imaamu axmed,Isxaaq iyo kuwo kaleba waxaa suna ah soonka maalinta sagaalaad iyo tobnaadba maxaa yeelay Nabigu scw tobnaad wuu soomay sagaalaadna waa niyeystay,iyadoo halkaa laga qiyaas qaadanayo maalinta tobnaad waa dhowr maraatib waxaa ugu fadli hooseeya in kaligeed la soomo waxaana ugu fadlibadan in lasoo soomo sagaalaad iyo tobnaadba markastoo soonku bato bishaan dhexdeedana ka ajar badan kana sii wanaag badan.

Walaalayaal hadaan ogaanay waxaas oo khayr ah waxaan u dardaarmayaa naftayda iyo tiinaba cabsida ilaahay iyo noolaynta sunada Nabigeeena scw iyo inaan ka faa iidaysano fursadaani qaaliga ah.

XASUUSIN:

Fadlan Fartiintaan markaa Aragtid u gudbi Ehelkaaga iyo Saaxiibadaa, waayo markey Soomaan adigana Ajarkooda oo kale ayaad heleysaa insha allaah.

قال رسول الله ﷺ: من دل على خير فله مثل أخر فاعله. رواه مسلم

Acw walaalaha Muslamiinta Ah Halaga faa’iideysto maalinta CASHUURA oo ku beegan maalinta ARBACADA ah,10 Muxaram Beri Bisha 9 oo Talaada Ah Halagu daro waayo Rasuulka SCW ayaa tamaniyey inuu soomi doono haddii uu gaaro sanadka soo socdo Arbaco iyo Khamiisna waa la soomi karaa marka hala Gaarsiiyo qofkan Ogayn Ajir wayn ayaa ku jira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.