Home Afsomali Xeebaha Soomaaliya oo lagu soo fasaxayo maraakiibta kaluumeysi ee dalka Qadar oo...

Xeebaha Soomaaliya oo lagu soo fasaxayo maraakiibta kaluumeysi ee dalka Qadar oo Xukuumadu heshiis la gashay

Carabtii oo afcarabi kale noola timid.

Carabtii oo afcarabi kale noola timid iyo Dalka qadar oo lagula heshiiyey in maraakiibtoodu ka kaluumeystaan Xeebaha Soomaaliya

Dalka Somaliya oo ah dhulkii udgoonka oo hatan isu bedelay dhulkii dhiigu ku daatay ayaa waxaa iso tafaxeytay dadyow badan oo ujeedoyin kala duwan leh .

Halkii ilig ka baxo waxaa u soo hawoodo carabka oo isku arka in uu buuxin karo halkii iligu ka baxay waxaa la mid ah ka dib markii ay dhaday dowladii dhexe ee dalka ayaa dalka waxaa soo bartilmaameydsaday dowlado horey aan ku arki jirnay kuwo daciif ah oo aan awood sidaa ahaa haatana safka hore kaga jira inta ku so duushay dalka .

Dowladaha carabta ayaa ah kuwo balag noo lulayo (Doolar ) waxayna dad dhuuni qaatayaal ah siiyaan mar kasta boorsooyin lacago doolar ah si danahooda loo fuliyo .

Waxaa ka mid ah wadamadaas Emaaraadka iyo qadar ,dowlada Emaaraadka ayaa si aan sharci aheyd ama dadku intiisa kale ay ka keeneen guux dadweyne ay shirkad DP word ay la wareegtay maamulka dekada berbera iyada oo shaki kale laga muujiyey in ay saameyn taa la mid ah ku yeelan doonto dekadaha boosaaso ,hobyo barawe,iyo kismaayo waxaana dekada Muqdisho isku gedaamay dowlada turkiga .

Dalka qadar ayaa casuumaad u fidisay Raiisal wasaare kheyre waxaana warar hor dhac ah oo soo baxay ay sheegayaan in uu jiro heshiis maraakiibta qadar loogu fasaxayo in ay ka kaluumeystaan badweynta hindiya ee xeebaha soomaaliya waxaana heshiiska ka mid ah in ay ka ilaalineyso marakiibta kale ee kaluumeysiga ee ka qaraabta biyaha dalka  .

RW Xasan Cali Kheyre oo ay casuumaad u fidisay dowlada qadar ayaa hadana waxaa ay la kulansiisay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende kaasi oo kala hadlay arimaha Kheyraadka dabiiciga ah ee dhexceegaaga biyaha Soomaaliya  Norwey ayaa ah mid u xaglineyso in ay biyaha soomaaliya qaadato Kenya ,cajabey cajab maxaa dalkaa loosoo hamiyey

Arintaan ayaa salka ku heysa boobka lagu haayo gayiga soomaaliya oo ay dhici karto in wadanba wadan ka kale uu u sheegayo halka aan ka jilicsan nahay iyo shaqsiga loogu dugaali karo fulinta howshan.

dhawaan ayey aheyd markii Dowlada Ethiopia qeyb ay ka heshay daqliga ka soo xaroonaya dekada magaalada Bebera isla markaana wasaradaha Ethiopia lagu daray wasaarada dakadaha xili aysanba la heyn Ethiopia wax bad ah

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.