Home Afsomali Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waan booqday Maxaabiista Hindiya ku xiran Somaliya...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waan booqday Maxaabiista Hindiya ku xiran Somaliya ayaana la keenayaa

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waan booqday Maxaabiista Hindiya ku xiran Somaliya ayaana la keenayaa

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr qareen Axmed Cali Daahir Garaakdka oo dalka dib uu soo laabtay ayaa ka warbixiyey safaradii uu ku lala bixiyey qaar ka mid ah wadamada caalamka iyo dacwadii bada halka ay mareyso iyo arimo kale .

xeer ilaaliyaha oo saxaafada shir jaraid u qabtay Xasiikiisa magaalada Muqwdisho ayaa shaaca ka qaaday in dacwadii bada ay meel fiican  mareyso inkasta oo ay kenya is hortaag ku sameysay ku andacootay in maxkamadu dacwadaas qaadi karina.

Isaga oo xusay in natiijada dacwada la sugayo ugu badnaan lixbilood wuxuuna ka muujiyey in uu ku qabo kalsooni dheeraad ah .

Geesta kele xeer ilaaliyuhu wuxuu soo hadal qaaday Maxaaxiista hindiya iyo kuwa kale oo laga soo daayey jasiirada muriishiyoosa ayna soo gaareen 12 ka mid ah dalka horeyna loogu heystay burcad badeednimo .

Qareenka guud  dalka Mr garaadka ayaa beeniyey hadalo sheegayey in dhalinyaro somaliyeed ay Maxkamad ku taal dalka hindiya ay dil tooasho ah ku xakunta

isaga oo xusay  in wadamo badan oo calamka ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo burcad badeednimo loo heysto wadamadsana dowlada somalliya wada hadal kula jirto  ayna u dalbeyn in cafis loo sameeyo dacwadana lagala noqdo .

xeer ilaaliyaha qaranka ayaa xabsiga ay kaga  jiraan dalka hindiya ku soo booqday dhalinyarada somaliyeed ee ku xiran dalka hindiya uuna la Qaatay wadahal arihooda ugu kuurgalayey si uu wax badan uga ogaado xaaladaha ay ku noolyihiin  .

Waxaa uu sheegay in uu isaga u tagay maxaabiista soona arkay,islamarkaana aysan jirin xitaa jir dil ka muuqda marka laga reebo nolosha ay ku suganyihiin oo ah mid aad u adag.

Xer ilalaiyaha ayaa ka dayriyey noloshada iyo daruufaha ku heysta xabsiga dhaxdiisa dhalinyaradaas wuxuna xaqiijiyey in qaar ka mid ah cuduro iyo daryeel la.aan  ugu geeriyooyeen xabsiga gudihiisa

 

7 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.