Home Afsomali Xeerilaalinta Qaranka oo sheegtay in Mas’uuliyiin dowladeed Musuq maasuq loo xiray

Xeerilaalinta Qaranka oo sheegtay in Mas’uuliyiin dowladeed Musuq maasuq loo xiray

Xeerilaalinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixisay xariga Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya iyo Shaqaalle kale oo dowladeed oo dhawaan la xiray, islamarkaana loo heysto eedeymo la xariira Musuq maasuq.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr.Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in caddeymo lagu hayo Masuuliyiin u xiran falal Musuq-maasuq la xiriira.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhawaan Maxkamad la horgeyn doono dhammaan eedeyasanaayasha si loo mariyo Sharciga.

Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa xusay la xayiray Akoonada Shaqsiyaad iyo Shirkado lagu eedeeyay in ay ka shaqeeyaan Arrimo Musuq maasuq ah, islamarkaana dhawaan ay soo muuqan doonaan.

Ugu dambeyntii waxaa uu ugu digay Hay’addaha kala duwan ee dowladda dhicida Hantida dadweynaha Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.