Home Afsomali XFS oo booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska oo...

XFS oo booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska oo loo diyaarinayo sugidda Amniga Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaa oo loo diyaarinayo qorshaha sugidda Amniga Caasimadda.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u weydiiyay Ciidamada Xaaladdooda Nolaleed iyo mid Tabar intaba, isagoo warbixinno ka dhageystay macalimiinta tabarka siinaya ciidankan loo diyaarinayo sugidda Amniga.

Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur-galayay Xaaladaha Ciidamada iyo tababarada ay qaadanayaan.

“Ra’iisul wasaaraha JFS waxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen

Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaa soo la wareegaya Amniga

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.