Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inay xiisad ka taagan tahay duleedka Bari ee Degmadaasi.
Xiisadan ayaa la sheeğayaa inay ka dhalatay isqab-qabsi la xiriira Dhisme garoon diyaaradeed oo la doonayo in laga hergeliyo halkaas.
Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada ee maamulka Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalin oo u warramay warbaahinta Risaala ayaa xaqiijiyay inay xiisadu halkaa ka jirto isagoo sheegay inay jiraan dad diidan dhismaha Garoonka diyaaradeed ee lagu wado in laga hergeliyo duleedka Ddegmad Warsheekh ee gobolka Shabeelda Dhexe.
Ugu dambeeyntii Gudomiye ku xigeenka Arimaha bulshada maamulka Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalinayaa Tilmaamay in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Hirshabeele ay wadaan dadaalo lagu xalinayo xiisada si loo loo hergeliyo Dhismaha Garoonka diyaaradeed .