Home Afsomali Xiisad ka Taagan Magaalada Baladweyne

Xiisad ka Taagan Magaalada Baladweyne

Wararka imaanaya  Magaalaada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay  in Ciidamo taabacsan Gudoomiyihii gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan ay xirteen wadooyinka Magaalada Baladweyne.

Ciidamadaan Taabacsan Cali Jeyte ayaa  xirtay wadada laamiga ah ee isku xirta isu Magaalada Baledweyne ilaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif .

Sidoo kale ‘ wararka ayaa sheegaya Ciidamo kale oo taabacsan Madaxweyne ku xigeenkaa Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed inay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay uga hortagayaan ciidamada Taabacsan Gudoomiyhii hore gobolka Hiiraan Cali Jeyte ee xilka laga qaaday.

Hase ‘ahaatee’  Talaabadaan ayaa ku soo aadeysa , Xilli Xalay saqdii dhexe la shaaciyay warqad xilka uu uga  qaaday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan  oo ahaa Gudoomiyhii gobolka Hiiraan .

Lama oga xaalada Magaaladaa Baladweyne halka ay ku dambeeyn doonto , iyadoo haddii aan la xalin xiisdada halkaas ka taagan ay keeni karto dagaal toos ah oo dhexmara ciidaamada Maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Taageersan Gudoomiyhii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.