Home Afsomali Xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir iyo tan Racfaan...

Xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir iyo tan Racfaan iyo kuwa …

https://youtu.be/9H1oIL02WOs

Inta badan xukunada ay rido Maxkamada gobolka banaadir ayey ka soo baxaan xan iyo fara isku taagtaag taasi oo sabab u noqoto in maciin la bido maxkada alshabaab oo aysan dowladu ogoleyn in halkaa loo dacwoodo

hadaba Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xilka laga qaaday guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir iyo tan racfaanka, waxaana loo magacaabay guddoomiyaal cusub oo bedelaya kuwii xilka laga qaaday.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Garyaqaan Salah Ali Dabaan, waxa uuna booska kala wareegayaa guddoomiyihii hore ee maxkamada gobolka Garyaqaan Cabdiqadar Maxamed.

Waxaa sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir isna  loo magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed (Saciid Gureey), oo horey wax badan uga soo shaqeeyay hay’adaha garsoorka dalka.

Isbadalkan lagu sameeyay garsoorka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadeysa xilli madaxweyne Xasan Sheekh horey u ballanqaaday in isbadal ballaaran lagu sameenayo hay’addaha garsoorka dalka oo cabasho badan laga keenay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.