Home Afsomali Xil ka qaadistii ugu horeysay Noqday taliye NISSa ka tirsan balse ee...

Xil ka qaadistii ugu horeysay Noqday taliye NISSa ka tirsan balse ee wax darajo ah laga qaadir

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay taliyihii ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  Khadar Maxamuud oo loo yaqaan Sanka .

Taliyahan oo ahaa nin awwood badan saameyn badana ku dhax lahaa ciidamada Nabad Sugida ayaa horey loogu sameeyay shaqo joojin, waxaana ugu dambeyn la sheegay in taliyahaasi xilka laga qaaday.

Taliska ciidanka Nabad Sugida ayaa wararku sheegayaan in taliyaha ciidamada Nabad Sugida si KMG ah ugu magacaabeen haweeney horey kuxigeen ugu aheyd taliyaha xilka laga qaaday ee Khasar Sanka.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga saaray ciidamo badan oo katirsanaa Nabad Sugida, lama oga sababta xilligan keentay in ciidamada halkaasi laga raro.

Taliyaha NISA ee garoonka Aadan Cadde ayaa ku lug lahaa tallaabooyin badan oo ka dhan ahaa siyaasiyiin mucaarad ah oo qaarkood loo diiday in ay ka dhoofaan garoonka, waxa uu sidoo kale ku lug lahaa isku day lagu beegsaday guddoomiyihii KMG ee gollaha Shacabka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oon horey ula dhacsaneyn hab dhaqanka ciidanka NISA ee garoonka Aadan Cadde ayaan la ogeyn in uu wax ka og yahay xil ka qaadistan lagu sameeyay taliyaha NISA ee garoonka Aadan Cadde.

https://youtu.be/s3gR8Wi4NT8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.