Siyaad Barre 21 sano wuxuu dalka ka safray 35 jeer, balse Xasan…
Xildhibaankii hore ee baarlamaanka Federaalka Cabdi Bare Jibriil ayaa saxaafada soo gaarsiiyay warbixin kusaabsan
safarrada dibadeed ee madaxdii hore ee Soomaaliya iyo kuwa maanta.
AKHRISO QORMADA
1 – Maxamed Siyaad allaha u Naxariiste dalka wuxuu Xukumey 21 Sanno wuxuu dalka
ka Baxay 35 jeer Asago ka qeybgalay Shirra Caalami ah iyo kuwo lagu Marti qaaday
2 – Cabdiqaasin Salaad wuxuu Madaxweyne ahaa 4 Sanno Dalka wuxuu ka baxay 25
Bari.
3 – Abullahi Yusuf alaaha u Naxariiste wuxuu Madaxeyne ahaa 3.5 Saddex Sanno iyo
Bar wuxuu dalka ka baxay 19 jeer.
4 – Sheikh Shariif wuxuu Madaxweyna ahaa 4 Sannno wuxuu dalka ka baxay 285.
5 – Xasan Sheikh wuxuu Madaxweyne ahaa 4 Sanno Dalka wuxuu ka Baxay 482 Jeer.
6 – Ra’iisal wasaare Galayr wuxuu Dalka ka baxay 19 jeer, (Xasan Abshiir Farax
wuxuu Dalka Baxay 3 Jeer
7 – Maxamed Abdi Yusuf 1 Hal Safar oo kaliya.
8 -Cali Maxamed Geedi 9 jeer
9 – Nuur Cadde 15 Jeer.
10 – Cumar Cabdirashiid, wuxuu dalka ka baxay 35 jeer waa xiligii 2009
11 – Farmaajo wuxuu dalka ka baxay 16 jeer
12 – Gaas wuxuu dalka Baxay Markuu Raisal wasaaraha ahaa 28 Jeer.
13 – Saacid wuxuu Dalka ka baxay 3 jeer oo kaliya
14 – Cabdiwali Sheekh Axmed Yuulka wuxuu dalka ka baxay 9 Jeer.
15 – Cumar Cabdirashiid wuxuu Hadda Marayaa 195 Jeer.
MAAMUL GOBOLEEDYADA
1 – Axmed Madoobe 22 Jeer
2 – Shariif Xasan wuxuu Marayaa 19 jeer
3 – Cabdikariin Guuleed wuxuu Marayaa 14 Jeer
4 – Cali Cabdullahi Coosoble 1
5 – Ninka Iskoorka Jabiyey Waa C/weli Gaas, wuxuu Marayaa Saddexddii Sanno uu
joogey 253 Safar.
Marka bal qiyaasa dadkaas dhaqaalaha Micnidarada ah oo ku baxay iyo Nin 21 dalka
Xuukumay oo safray 35 jeer oo kaliya. Waad mahadsan tihiin.
Waxaa Diyaariyay: Xildhibaan Abdibare Jabriil
Dhageyso Allahayoow Dhulkayaga amaankiisa Nimuu eedo ka ilaali
Awoodayadaan Baranay waxay ay cadeyneysaa in somalidu isku dashay cid kala celisana ay weyday in hubka la iskuugu dhiibo mooyee waxaanu idiin doorbiday
Awoodayadaan Baranay iyo codkii fanaaniinta Faraax Siidow faarax iyo Hibo maxamed oo ay la Jiibinayaan Hoobaladii Waaberi, Erayadii Abwaankii weynaa ee
Yuusuf Aadan Allaale (AHUN) ee ay walaalaha ahaayeen Abwaankii kale ee caanka
ahaa Cismaan Aadan Askari (AHUN). Dhegaysi Haboon.
Miraha heestaa waxaa ka mid ahaa
Awoodayadaan Baranay waxay ay cadeyneysaa in somalidu isku dashay cid kala celisana ay weyday in hubka la iskuugu dhiibo mooyee waxaanu idiin doorbiday
Awoodayadaan Baranay oo codkoodii
fanaaniinta Faraax Siidow faarax iyo Hibo maxamed oo ay la Jiibinayaan Hoobaladii Waaberi, Erayadii Abwaankii weynaa ee
Yuusuf Aadan Allaale (AHUN) ee ay walaalaha ahaayeen Abwaankii kale ee caanka
ahaa Cismaan Aadan Askari (AHUN). Dhegaysi Haboon.
Miraha heestaa waxaa ka mid ahaa
(1)
Nacabkayagaan Aragnay
Is ilaaliyaan Baranay
Aayaha Dhulkaan fahanay
Dad is aaminaan Noqonay
Isku uursan baan noqonay
Isku Aabba aan noqononay
Allahayoow
Dhulkayaga abuurkiisa
In ilqaado ka ilaali
Alahayoow
Dhulkayaga amaankiisa
Nimuu eedo ka ilaali
Islaam soocan baan nahaye
Eeboow alahayoow
Adiguna na taageer ilaahoow
 
(2)
Ololaysanoo Orodnay
Onkod noo baxyoo maqalay
Ilays noo ifyoo yaacnayeey
Abaartii hadhoo Raynayeey
Durba aynigeen gaadhnayeey
Asaageen badhbaan dhaafnayeey
Alahayoow
Dhulkayaga abuurkiisa
In ilqaado ka ilaali
Allahayoow
Dhulkayaga amaankiisa
Nimuu eedo ka ilaali
Islaam soocan baan nahaye
Eeboow alahayoow
Adiguna na taageer ilaahoow
(3)
awoodayadaan Garanay
Imtixaan hadaan ka baxnay
Ikhtiyaarkayaan soconay
Aduunkii haduu na bartay
Soomali amaan ka helay
aqoon loogu soo aadayaa
Alahayoow
Dhulkayaga abuurkiisa
In ilqaado ka ilaali
Allahayoow
Dhulkayaga amaankiisa
Nimuu eedo ka ilaali
Islaam soocan baan nahaye
Eeboow alahayoow
Adiguna na taageer ilaahoow
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0