Xildhibaan Maxamuud Abuukaate ayaa ka badbaaday Qarax Miino a-lagula eegtay agagaarka xarunta dagmada hodan ee magaalada Mudisho waxaana warar hor dhac ah ay shegayaan in ay jiraan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, qaraxa kadib ayaana la maqlay rasaas kooban oon la ogeyn cida rideysa.
Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in uu ahaa Miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, waxaana lala eegtay gaari uu leeyahay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, lamana oga in Xildhibaanka gaariga saarnaa iyo in kale.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu haleelay gaari uu leeyahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamo katirsan dowlada oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.
Dhinaca kale, caawa waxaa degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir, lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dilka askariga ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa weyn, oo ah meel mashquul badan.
Askariga la toogtay ayaa lagu magacaabi jirey maxamed Baroodo kaasi oo ragii dilka geystay ay horey uga sii qaateen qorigii uu sitay
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, ka hor inta ciidanka amaanka imaan goobta.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0